Cali Khaliif Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Khilaafka Soo Kala Dhex Galay Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Ra’iisal wasaarihiisa
Muqdisho:12-Nov-2013(SDN)-Ra’iisal wasaarihii hore ee Dawladdii ku-meel gaadhka ahayd ee soomaaliya Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hadlay iscasilaadda la sheegay inuu madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday Ra’iisal wasaarihiisa.
Cali khaliif galayd oo u warramayey mid ka mid ah idaacadda muqdisho laga leeyahay, ayaa tilmaamay inuu ka xun yahay arrintan ku soo korodhay umadda soomaaliyeed oo uu sheegay mid aan habboonayn, islamarkaana caalamka oo dhami aanu raalli ka ahayn.
Cali khaliif waxa uu xusay inaanu arag madaxweynaha balse uu arkay ra’iisal wasaaraha kana wadahadleen sida uu codsigani ku yimi, “madaxweynaha ismaanu arage waxanu is aragnay Ra’iial wasaaraha, waxana uu igu yidhi madaxweynaha waxanu isku ogayn in Dawladda la shaandheeyo, waxana aan madaxweynaha u gudbiyey liis dawladdii cusbayd ah, isaguna waxa uu ii sheegay liiskan halkaas inaga dhigoo arinta is casilaadda ah aynu ka wada hadalno, taasina aniga ima ay qancin, sidaas daraateed waxan goostay inaanan is casilin.” Ayuu yidhi cali khaliif galaydh.
Cali khaliif galaydh aya noqonaya masuulkii ugu horreeyey ee ka falceliya warar ilaa shalay soo baxayey oo sheegayey in madaxweyne Xasan sheikh uu Ra’iisal wasaarihiisa ka codsaday inuu iscasilaadiisa u soo gudbiyo, walina lama hayo sababta uu madaxweynuhu arrinaas u keenay.
Arrintan ayaa dad badani aaminsan yihiin inay tahay bar-bilowgii Burburka dawladda soomaaliya, maadaama ay dhammaan xukuumadihii hore ee soomaaliya loo soo dhisay ay eedeen khilaaf kala dhexgalay madaxdoodii.
S.D.N