Cali Khaliif Oo Sheegay In Maraykanku Taageeray Hawlaha Uu Ka Wado Sool iyo Sanaag
Nairobi,3Dec,2015(QJ/SDN)-Hogaamiyaha kooxda Somaliland diidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa muddooyinkii u dambeeyay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya wuxuu ka waday qorshe uu fidmada uu ka wado degaannada Sool ugu gudbinayo gobolka Sanaag. Waxa uu ku hawlan yahay sidii bulshada gobolka Sanaag ku nooli ugu biiri lahayd Khaatumo. Waxa uu sheegay in qorshihiisan degdeg loo dhammaystiri doono.
Cali Khaliif ayaa geesta kale sheegay in qorshihiisan lagu midaynayo maamulka Maakhir oo uu ku dooday inuu metelo bulshada Warsangeli iyo Khaatumo oo uu rumaysan yahay inay metesho bulshada Dhulbahante ay soo dhawaysay dawladda Maraykanku, una ballanqaaday caawimo. Waxa uu sheegay in safaaradda Maraykanka ee Nairobi markii ay qorshahan maqashay la soo xidhiidhay bulshadaasi kuna taageertay fikirkan.
Qaar ka mid ah bulshada u dhalatay Sool iyo Sanaag ee Nairobi ku nool ayaa munaasibad sakootin ah Cali Khaliif ugu qabtay Nairobi, wuxuuna munaasibaddaasi ku faahfaahiyay qorshihiisan cusub waxaanu yidhi “Arrin cusub baa jirta. Arrintaasi waxa weeye dadaal dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay socday oo ah sidii dadka Khaatumo iyo umadda reer Maakhir eenu deriska nahay in la is warsado oo la isla baadho hadday danaha labada dhinacba ku jirto inay danahooda isla raadiyaan,” ayuu yidhi Cali Khaliif wuxuuna intaasi raaciyay “Taariikhda Soomaalidu meel bay maraysaa maanta, Tareen baa la fuulayaa, haddaanay dadka Sool, Sanaag iyo Cayn aanay Tareenkaa fuulin hadhaw ma cataabi karno, wakhti badan ma haysano ee hadday ugu dambeysay bishan December ama hadday ugu dambeyso bisha January ayaa hawshaas la rabaa inaynu galno.”
Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo ayaa sheegay in qorshahan ay danaysay safaaradda Maraykanka ee Nairobi, islamarkaana la soo xidhiidhay Beelaha uu rabo inuu maamul u sameeyo “Arrin baan rabaa inaan hoosta ka xariiqo, safaaradda Maraykanka ayaa soo raadisay dadka dega degaammada Sool iyo Sanaag oo rabay inay arrintan ka warsadaan, laba fadhi waxay la yeesheen qolada reer Maakhir, fadhigii saddexaadna qolyaha reer Khaatumo ayay la qaateen. Waxaan mahadnaq u dirayaa dawladda Maraykanka iyo shacabkooda oon ugu mahadnaqayo inay fikirkan soo dhaweeyeen, fikirka Maakhir iyo Khaatumo inay soo dhaweeyeen, inayba yidhaahdeen gacan baanu idinku siinaynaa,” ayuu yidhi Cali Khaliif, isagoo sheegay in qorshahaas Maraykanka ay majaro habaabiyeen koox aan metelin bulshada.
Cali Khaliif ayaa sidoo kale sheegay inuu guddi ilaa 20 qof ah u magacaabay dardar galinta qorshihiisan iyo inay taakulo u raadiyaan kooxdiisa “Dad khaatumo ah oo khaatumonimada aaminsan oo haddana waxtar ah waa in guddida laga dhigaa. Guddidaasi oo Khaatumo uga masuul ah bariga Africa waan soo dhaweynayaa. Wixii danaha Khaatumo iyo dadkaas Sool, Sanaag iyo Cayn dega wixii ama bulshada caalamka ama waddankan aynu joogno ka soo gala guddidan ayaa anaga nooga masuul ah, guddidaas baa hawshaas qaabilsan,” ayuu yidhi Cali Khaliif.
Wefti ka socda Somaliland ayaa ku sugan magaalada Nairobi, waxaana ka mid ah wasiirka caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye oo ka soo jeeda gobolada Bariga Somaliland, balse ilaa hadda xukumadda Somaliland kama hadal mawqifkeeda ku aadan qorshaha bilihii u dambeeyay Cali Khaliif waday, haatana u muuqda inuu gabogabo ku dhaw yahay. Qorshahan ayaa haddii uu hirgali uga
sii dari kara xaaladda ammaanka ee gobollada bariga, maadaama Cali Khaliif rabo sidii uu qorshihiisa nabad diidnimada sii fidiyo.