|

Cali Khaliif Oo Faahfaahiyey Sababta Xasan Sheekh Dhabarka Ugu Jeediyey Maamulkiisa Ma-dhalayska ah

Washington:Nov,25,2014(SDN/QJ)-Cali Khaliif Galaydh oo sheegta Madaxweynaha Khaatumo, ayaa Ka Hadlay Cago-jiidka  Maamulkiisa kasoo wajahay Dawladda Federalka somalia oo uu tilmaamay inay Hagratay.

cali khaliifCali Khaliif oo la Hadlay Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay In Xasan Sheekh aanu ka Gudan Waajibkii Shacabka Khaatumo ku  lahaayeen,

“Dadka Khaatumo way ka dheregsan yihiin inay Aayahooda ka tashadaan iyagu oo maamulkooda sameeyaan, haddana way arkaan labada Maamul ee dhinacyada ka xiga ee Somaliland iyo Puntland in muran uu ka jiro,meeshase hoggaaminta laga rabaa waa Xamar, waxana aad mooddaa inaaay khaatumo sidii la rabay ugu jajabnayn.” Ayuu  Yidhi Cali Khaliif.

Prof. Cali Khaliif oo Hadalkiisa Sii Wata, ayaa farta ku Fiiqay Sababta keenaysa inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Dhabarka u jeediyo Maamulkiisa, waxana uu isagoo Arrinaas Ka Hadlaya yidhi,

“waxan u malaynayaa arrimaha noo muuqdaa  madaxweynaha Somalia inuu mudnaan ka siiyo  oo uu isleeyahay waxa mudan somaliland inay soo noqoto, markaa wadahadallada uu somaliland la leeyahay ayuu u arkaa inuu u arko inay carqalad noqonayaan Haddii uuKhaatumo ictiraafo.”

Cali Khaliif waxa uu hadalkiisa sii raaciyey inuu rajaynayo in dhawaan Madaxweynaha Somalia uu ka garaabi doono Rabitaanka Shacabka Reer Khaatumo, waxana uu xusay in aanay arrimuhu sidan sii ahaan doonin.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed