Cali Khaliif Oo Cambaarayn Kala Kulmay Qaar Kamid ah Taageerayaashii Durbaanka u Tumi jirey
Muqdisho:Sep,21,2014(SDN/QJ)-Xubno katirsan odayaasha durbaaka u tuma Kooxda Khaatumo, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Muqisho ku sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan Hannaanka uu Cali Khaliif u magacaabay xubnaha uu wasiirrada ku sheegay xilli uu wali ku dhuumaalaysanayo dhirta dhexdeeda.
Cabdillaahi Sheekh Cabdi oo ka mid ah odayaasha sida joogtada ah ula socda arrimaha Kooxda Khaatumo ayaa sheegay in ay si aad uga xumaadeen markii madaxweynaha maamulkaas Cali Khaliif Galeydh uu beeshooda ku soo dari waayey xubnaha wasiiradda.
Wuxuu sheegay oo kale in Cali Khaliif Galeydh uu baal maray sharciga lagu dhisay maamulka Khaatumo oo ka dhisan Goobo aan cidi joogin oo ka baxsan dhulka somalida.
Wuxuu ku baaqay shir degdeg ah oo ay yeesheen beelaha deggan Maamulkaas taageeraa, si loo arrinsado aayaha goobahaas loogana soo horjeedo wasiiradda uu magaacabay Cali Khaliif.
Cabdillaahi Laangadhe ayaa sheegay in ay qaadacayaan xubnaha wasiiradda ee uu magacaabay Cali Khaliif Galeydh kuwaasoo uu sheegay in saamigii ay ku lahaayeen in loo diiday sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba, maamulka Cali Khaliif Galeydh oo culeys xooggan uu heysto maadama dhulkii uu ka arriminaayay laga qixiyay oo ay banaan joog yihiin ayaa la kulmaya dhaleeceyn kale oo uga timid dadkii uu masuuliyadooda sheegan jirye.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com