|

“Cali Khaliif-ka halkaas jooga mid ka daran oo halkan jooga oo ninkii wax qabanayay eryada looma baahna. Siyaasiyiinna maaha ee waa saaqidiin….”Xildh. Indho-indho.

Hargeysa:Aug,22,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan Indho-indho, ayaa noqday siyaasigii ugu dambeeyey ee kusoo biira Loollanka siyaasadeed ee dhexyaalla Siyaasiiyiinta kasoo jeeda Bariga Somaliland, waxana uu si cad ula saftay Garabka uu hoggaamiyo Wasiirka Caafimaadka Mudane Xaglo-toosiye.

indhoMudane Indho-indho oo maanta saxaafadda  la Hadlayey, ayaa si adag u eedeeyey Siyaasi cali Khaliif Galaydh, waxana uu taageero u muujiyey Wasiir Xaglo-toosiye,

“Magaalada Buuhoodle ayay in carqalad ahi ka jirtay, Ciidamadii qarankuna meel Balicad la yidhaa ayay eryanayaan Ninkaas(Cali Khaliif), Ciidanka qaranka iyo wasiirka Caafimaadka ayaanu arrintaasi ku ammaanaynaa, Madaxweynaha iyo xukumaddana waanu ku ammaanaynaa,” ayuu yidhi Mudane Indho-indho.

Cabdiqaadir Indho-indho oo sii hadlaya ayaa yidhi “Kuwa ka daba qaylinayana waxaanu leenahay adeer mid ka daran Cali Khaliif ka aanu eryanayno oo meelahan iska fadhiya looma baahna. Wadankan in doorasho ka dhacdo oo wixii meelahaas ka yimid ee fidno wada laga eryo ayaa loo baahan yahay ee in la is xasaradeeyo looma baahna. Waxa loo baahan yahay shaqo iyo in nin waliba degaanka uu ka soo jeedo ku fillaado,” ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.

Mudane Indho-indho waxa uu intaasi ku daray “Adeer Cali Khaliif Kale Oo halkan Edeb darro la wareega looma baahna, nin Cali Khaliif Eryada ayaa loo baahan yahay. Cali Khaliifka halkaas jooga mid ka daran oo halkan jooga oo ninkii wax qabanayay eryada looma baahna. Siyaasiyiinna maaha ee waa saaqidiin, waxaan dibin daabyo ahayn lama joogaan,” ayuu yidhi Mudane Indho-indho.

Afhayeenka guurtida oo arrintan markii u horaysay ka hadlay ayaa la safan Mudane Saleebaan Ciise Axmed oo ammaan ku mutaystay sida uu degaanka Buuhoodle uga muquuniyay Cali Khaliif Galaydh oo halkaasi u yimid xasaradaynta Somaliland.

Eedaha ay is waydaarsanayaan Siyaasiyiinta ka soo jeeda Bulshada Sool iyo Sanaag bari ayaa isa soo taraya iyadoo ay u kala jabeen laba garab oo mid uu hogaaminayo Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ka kalena Baashe Managed Faarax, guddoomiye xigeenka Wakiillada.

Baashe oo dhawaan ka hadlay arrinta Buuhoodle ayaa ku dooday in arrintaasi u baahan tahay talo qaran, xaglotoosiye oo kaligii iska tagayna aanu waxba ka qaban karrin balse Xaglotoosiye ayaa hadalkaasi kaga jawaabay in Kursiga Baashe talo qaran u baahan yahay balse aanu Buuhoodle talo qaran u baahnayn.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed