“Cali Khaliif Galaydh Waa Madaxweynaha Khaatumo, Dhiggiisu Waa Siilaanyo, Midkoona Halkan Ma Fadhiyo..”
Hargaysa 28. August 2017 (SDN/QJ):-Xubno ka Tirsan Guddiyada Wadahadalka u qaabbilsan Dawladda Somaliland iyo Maamulka Khaatumo, ayaa ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey midho-dhalka wadahadalka muddada u socday iyo Shir loo dhan yahay oo ay shalay shaaciyeen in la qaban doono dabayaaqada bisha sagaalaad ee sannadkan 2017-ka.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire oo ah Guddoomiyaha Guddiga wadahadalka ee dhinaca Somaliland iyo Kayse Cabdi Yuusuf oo ka tirsan Xubnaha Guddiga Khaatumo Wadahadalkan u metelaya, ayaa ka jawaabay mustaqbalka nuxurka wadahadalka laga leeyahay iyo natiijada la filayo in lagu gaadho Kulammada soo socda ee labada dhinac shaaciyeen inay Guddi u laba dhinac ah u magacaabeen, ka dib markii ay shir Jaraa’id shalay ku qabteen Guddiyadu magaalada Hargeysa oo maalmihii u dambeeyey wadahadal uga socday, isla markaana heshiis toban Qodob ka kooban ay ka soo saareen.
“Waxa haatan Guddi 8 Xubnood ah labada Dhinacba u saareen inay soo diyaariyaan Shirweynaha la isugu iman doono, ajandeyaashiisa, tirada Ergooyinka ka soo qaybgalayaa maxay noqonayaan, Madasha Shirka lagu qabanayaa halkay noqonaysaa, muddada shirku soconayaa inay noqonayso. Shirkaasna waa mid Khaatumo iyo Somaliland dhex-maraya.” Sidaa waxa yidhi Kayse Cabdi Yuusuf oo Shirkaa Jaraa’id ka hadlay.
Waxa uu Kayse Cabdi Yuusuf ka warramay ujeeddada rasmiga ah ee Wadahadalka laga leeyahay iyo nuxurka meesha loo socdo, waxaanu yidhi; “Shirkaasi waa Shirka la doonayo wax kasta oo khilaaf ah oo Somaliland ka jira lagu soo afmeerayey. Nuxurku waxa weeye Khaatumo Calan leh oo dawlad gaar ah haatan halkan laguma hayo, Somaliland sidan ku socon karta oo ku dhaqmi karta oo sidan ay dani ugu jirtana meesha laguma hayo. Sidee Maamul wanaagsan oo Somaliland ah oo Dawlad aynu u dhannahay ah oo raalli lagu wada noqdo u samaysannaa? Nuxurka loo socdaa intaa weeye, insha Allaahu haddii Shirkaa la isugu yimaaddana waa loo imanayaa.”
Kayse waxa uu sharraxay goobta ay kulammada diyaarinta hawlaha shirka ku yeelan doonaan Guddiga farsamo ee labada dhinac iyo wakhtiga ay haystaan, waxaanu yidhi; “Waxa la qabtay Guddi Farsamo oo 8 xubnood ah, waxay shanta bisha sagaalaad ee dhalanaysa isugu imanayaan haddii Illaahay idmo magaalada Caynaba, waxay awood u leeyihiin inay hawshooda ku soo dhammaystiraan illaa 12-ka bisha September, 16-ka September 2017 ayey Guddigaasi ku soo celinayaa Madashii loo dhammaa ee laga diray ee laba-geesoodka ah oo tan ah, halkaas baa la iskula qaadanayaa waxa la soo diyaariyey iyo hawsha Shirweynaha wixii la soo diyaariyey.”
Mar la weydiiyey Kayse in aanu kulankaas shalay Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif goob-joog ka ahayn, dhawaanna dhinac Khaatummo ka tirsani sheegeen inay xilka ka qaadeen iyo sida heshiiskan cusub loogu kalsoonaan karo, waxa uu yidhi; “Cali Khaliif Galaydh waa Madaxweynaha Khaatumo, Dhiggiisu waa Siilaanyo, Siilaanyo meesha ma fadhiyo, Calina ma fadhiyo, waxaannu ku fadhinaa labadii Guddi ee wadahadalka soo waday Addis Ababa illaa Jabuuti.”
“Khaatumo waa Nidaam Dadkaasi doorteen, Madaxweyneheeda, Baarlamaankeeda iyo Goleheeda Wasiirrada leh. Wadahadalkan intaannaan bilaabin waxaa Dastuurka Khaatumo ku cad inaannu wadahadal la furno Somaliland iyo cid kale-ba. Markaa, Ninkii waxa Dastuurkayaga ku qoran ka soo horjeesta ama Madaxweyne Ku-xigeen ha noo ahaado ama Wasiir ha noo ahaadee, Gaadhiga wuu ka dhacayaa. Somaliland-na waxaannu heshiis ku nahay Ninkii wadahadalka ka soo horjeesta in wax laga qabto.”
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire oo isna ka jawaabay Su’aal laga weydiiyey midha-dhalka Wadahadalku wuxu noqon doono iyo waxa illaa hadda natiijo rasmi ahi uga soo bixi la’dahay wadahadallada tan iyo sannadkii hore soo socday, waxa uu yidhi; “Wixii culisi wakhti bay qaataan, ujeeddada laga leeyahayna waxa weeye Somaliland oo mid ah oo isku niyad-san oo sinnaan iyo cadaalad cid waliba ay ka hesho weeye ujeeddadu ee wax kale maaha. Shirkanna waxa qorshihiisu yahay inuu innoo qabsoomo bisha Sebptember (bisha sagaalaad) 2017-ka, haddaanay wax kale oo innaga weeciyaa iman, markaa immika wax waliba sidii loogu talogalay ayey u socdaan.”