Cali Khaliif Galaydh Oo Ka Hadlay Sida Loo Heli Karo Xalka Khilaafka Madaxda Somalia Ugu Sarraysa
Nairobi:Nov,17,2014(SDN/QJ)-Prof. Cali Khaliif Galaydh oo Hore u sheegay inuu Yahay Madaxweynaha Kooxda Khaatumo oo dagaal ka wadda Bariga Somaliland, ayaa Ka Hadlay Khilaafka soo kala dhexgalay Madaxda ugu sarraysa Somalia.
Cali khaliif waxa uu tilmaamay in aragti ahaan ay ula egtahay in khilaafkaas la xallin karo, waxana uu intaas ku daray in xallinta arrintani u taallo labada Nin ee is haya.
Prof. Galeydh oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay in eedda khilaafka ay shacabka Soomaaliyeed wax ku leeyihiin, uuna u arko mid ay dabada ka riixayso Beesha Calamka, maadaama Somalia ay tahay meel dagan sida uu hadalka uu u sheegay.
“Khilaafka waxaa lagu xallin karaa, waayo xildhibaanno iyo wasiirro ayaa jira, iyagaana ummadda mas’uul ka ah, iyagana wax laga weydiinayaa, waxaase la yidhaahdaa – labaatan Mudug ku dhashay illaahay ceebtiisa ma asturin. Iyaga ayayna u tallaa sidii ay ku xallin lahaayeen khilaafkooda,” ayuu Galeydh ku yidhi wareysiga.
Sidoo kale, Prof. Galeydh ayaa shacabka Soomaaliyeed ku eedeeyay inay qayb ku leeyihiin khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, isgaoo xusay inay ahayd inay shacabku xilligan ka kacaan muranka aan waxba keenayn ee dalka ka taagan.
“Waxaan qabaa in shacabku ay iyaguna eedda wax ku leeyihiin, waxaana loo baahnaa inay shacabku ka kacaan mushkiladda taagan, iyaga ayaana laga doonayaa inay dalkooda badbaadiyaan,” ayuu yidhi Cali Khaliif.
Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa sidoo kale Beesha Calaamka ku eedeeyay inay muskhiladda dalka ka taagan qayb weyn ku leeyihiin, isagoo xusay inay dhici karto in siyaasado guud oo dalal caalamka ka tirsan ay ka leeyihiin Somalia ay jirto, balse cidda fulinaysa ee garoonka Muqdisho joogta ee fulisay ay tahay in la iska qabto.
“Anigu walwal weyn ayaan ka qabaa in Somalia ay 2016-ka doorasho ka dhacdo, haddii aan khilaafyada yaryar ee aan waxba soo kordhinayn xal laga gaadhi waayo, ummadda iyo madaxda dalkuna ay ka shaqeyn waayaan sidii ay dalkooda nabad iyo horumar u gaadhsiin lahaayeen,” ayuu Galeydh mar kale yidhi.
SDN/QJ