|

Cali Gurey:Tan iyo maalintii xilka loo dhaariyay Madaxwayne Silanyo ma jirto warbixin keliya oo wax wanaag ah ka sheegtay Somaliland mid ka dayrinaysa mooyaane

Hargeysa Mar 20,2015(QJ/SDN)-Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID Md Cali Gurey ayaa sawir ka muujiyay xaalada dalku galay intii ka danbeysay doorashadii madaxweyne Axmed Siilaanyo. Hadalka Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya shaacinta warbixin caalemi ah oo ka deyrisay Amniga Somaliland. qoraalka Cali Gureyna sidan ayuu u dhignaa:

“Somaliland way jirtay xiliyo ay ku waynaan jirtay indhaha bulshada caalamka oo ay qiri jireen waxa aynu qabsanay inaga oo ahayn dal dagaal ku burburay oo aan cid gacan qabatay jirin. Waxay odhan jireen Somaliland waxay mudan tahay ku dayasho ilaa markii dambe ey ka yaabeen ay gaadheen heer ay ku tilmaamaan inay tahay MUCJISADA AFRIKA. Lakiin Somaliland taasi ma…y ahayn tan uu Axmed Silanyo ka yahay madaxwaynaha. Tan iyo maalintii xilka loo dhaariyay Madaxwayne Silanyo ma jirto warbixin keliya oo wax wanaag ah ka sheegtay Somaliland mid ka dayrinaysa mooyaane, sidaa daraadeed shantii sanadood ee xilka loo doortay Axmed Silanyo ayaa noqotay Shan geedi oo Somaliland ay dib u guurtay dhinaca dawlad wanaaga iyo dimuqraadoyadaynta iyo dhinacyo kale, marka laga reebo dhismayaal aan badnayn oo soo kordhay intii ay xukuumadani jirtay. Hadaba dhismayaasha ay soo kordhisay miyay u dhigmi karaan shan geedi oo Madaxwane Silanyo uu dib u raray Somaliland?”

Comments are closed