CALI GUREY:MUUSOW MULKIGA ALLAHA OO KELIYA AYAA BIXIYA OO CIDUU DOONO SIIYA. HADANA MARKUU DOONO KA SIIBA EH XAGIISA U NOQO
HargeysaOct 18,2014(SDN/QJ)-Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee xisbiga UCID Md Cali Gurey ayaa ka hadlay marxaladihii ku gedaanaa ishortaagi xukuumada ee xafladii SNM iyo kutumashada sharciga dalka. Cali Gurey waxa kale uu talooyin wax ku oola u jeediyay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Kulmiye Md Muuse Biixi, qoraal uu arikaa Guddoomiyuhu uga hadlayo ayaa sidan u dhignaa:
“Dhibaatada ugu wayn ee wakhtigan haysata Somaliland waxay tahay qofka xilka haya ayaa isu aqoonsan in isagu uu sharciga yahay. Sida daraadeed ayaa waxa isagu uu doonaa sharci yahay xataa hadii uu sharci darro yahay, waxa isagu uu diidaana sharci darro yahay xataa hadii uu sharci yahay. Inaba miyuu jiraa sharci Somaliland ah oo odhanaya maalmaha xuska mudan ee taariikhiga ah cid gaar ah mooyee cid waliba iskeed uma xusi karto. Hadii uu jiro bal ha sheegto cidda ogi Ma jirto …cid sheegi kartaa waayo dee maaha sharci jira ee waa wax ay cidi madaxeeda ka damacday awoodii qaranka iyo dawladnimada ee lagu aaminayna si qaldan u adeegsanaysa.
Sahra Halgan shuhadadii SNM ee qaarkood ay iyada dhabteeda ku go’een sidaada uma xusi kartid ee sida aanu ogolahay ayuun baad u xusi kartaa qofkii muwaadin saalix ihiba wuu garanayaa inay deelqaaf iyo xadgudub tahay waa si cid badheedhaysa.
Waxa ka daran Muuse Biixi oo shalay SOOYAAL oo xus ku qabanaysa Hotel Ambassador ogaa in KULMIYE oo dhami diideen oo xafiiska KULMIYE si gaar ah xuskii ugu qabsadeen cid ka horjoogsatayna aanay jirin. Bal Muuse shalay iyo maanta ta uu qaldan yahay ha la Waydiiyo. Mise wadadii uu musharaxnimada u marayay ayaa lagu yidhi waxa ka fadhiisatay inantiina ee horta ka kici?.
Muuse dhibaatadiisu waxay noqotay xag aadmi mooyee xaga Allehba uma nisbayn kursiga uu doonayo. Waxan kula talin lahaa MUUSOW MULKIGA ALLAHA OO KELIYA AYAA BIXIYA OO CIDUU DOONO SIIYA. HADANA MARKUU DOONO KA SIIBA EH XAGIISA U NOQO. In aad muwaadiniin kula mid ah xaqooda daadifayso ood dulmidu bal ku doon oo ku soo qaad.
SDN/QJ-Hargeysa