Cali Gurey:Lamaan yaabi xubnaha Xaqsoor ee yidhi ” maafishtaba keena ee Kulmiye ku biiray. Lakiin waxan la yaabay…..
Hargeysa Dec 07,2013(SDN)-Guddoomiyaha ku-xigeenka sadexaad ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Cali Gurey ayaa qoraal uu dhigay bogiisa Facebook waxa uu uga waramay xubno ka tirsanaa urur siyaasadeedkii hadhay ee Xaqsoor oo ku biiray xisbiga Kulmiye.
Md Cali Gurey ayaa sheegay in xubnaahaasi ay ka xishoon waayeen in munaasibada ku biirida Kulmiye ay ku beegeen sanad guuradii ciidamada Booliska iyo taageereyaasha xisbiga Xaqsoor isku dheceen.
Isku dhacaas oo ay ku dhinteen qaar ka mida taageereyaashi Xaqsoor ee diidanaa natiijooyinkii tartankii ururada ee goleyaasha degaanka Somaliland.
“Lamaan yaabi xubnaha Xaqsoor ee yidhi ” maafishtaba keena ee Kulmiye ku biiray. Lakiin waxan la yaabay waxa munaasibadda loogu beegay MAALINTII MADOOBAYD ee Hargeysa caruurteeda xabadda lala dhacay. May ayaamo dib u dhigtaan oy murugada dadkooda la wadaagaan ilayn waakii Hadraawi lahaa” MUDANAHA WALAALKAA
HADII WEERAR LAGU DILO
ISHA LALA MA WAABTEE
WEEDHIYO BAROORTAA
DADKA LALA WADAAGAA”
Anigu tacsi baan u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen iyagana naxariistii janno Alleh ha ka waraabiyo. Gacan ka qad daran bay ku dhinteen oo shuhado eh”ayuu yiri Cali Gurey.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com