Cali-gurey Oo Takoor iyo Aflegaaddo Ba’an Kala Kulmay Safar Dheer Oo Uu Kusoo Maray Deegaanno Beesha Madaxweyne Siilaanyo Degto
Qorilugud:Jan,03,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Muj. Cali Maxamed Yuusuf (cali-gurey), ayaa takoor iyo hadallo deel-qaaf ah kala kulmay Qaar kamid ah Deegaanada ay degto Beesha Madaxweyne Siilaanyo oo Hoggaanka Xisbiga Ucid ayaamahan Safar ku marayey.
Wafti Xisbiga Ucid ah oo uu Hoggaaminayey Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo maalmahanba Safar ku jooga Deegaanada Gobolada Togdheer iyo Saraar ah, ayaa la kulmay Yasitaan iyo Hadallo deelqaaf ah oo ay qaadan kari waayeen, waxana halkaas ka dhashay in xubno waftigaas kamid loo ishaaqsado si gaar ah, isla-markaana afxumo iyo hadallo aan meesha qabanin loo darandoorriyo.
Waftigan oo todobaadkii hore ka baxay Magaalada Burco, ayaa sii maray Tuulooyin ku yaalla Hawdka Dalka oo ay kid ahaayeen, Qoryaale, War-cimraan, Shanshacadde, Dabaqabad, Heere, Taall-buur, Dhaliyey, Balli-dhiig, Coodanle, Qorilugud iyo Caynaba, waxana ay Halkaas kalla kulmeen Soo dhaweyn badan, inkastoo xubno waftiga kamid ah oo uu Mujaahid Cali Gurey kamid ahaa loola dhaqmay si ka baxsay Anshaxa Soomaalida ee dadka martida ah loo ikraamo.
Wariye ka tirsan Qurbejoog.com oo la socday waftigan, ayaa noo xaqiijiyey in duqayda iyo waxgaradka dhammaanba deegaanada waftigu maray oo dhamaantood ay deggen yihiin Beesha Madaxweyne Siilaanyo si weyn loogu bahdilay Mujaahid Cali Gurye, isla-markaana si gaar ah loogu canaantay oo loo muujiyey in nacayb badani deegaanadaas u yaallo.
Dhamaanba Deegaanadaas Waftigu tegay, ayaa dadkii joogay waxay si weyn u ammaaneen Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ay sheegeen inuu yahay nin dalkiisa daacad u ah, balse waxay si gaar ah loo takooray oo loogu naqay hadallo mucaaridad ahaa oo uu hore ugala horyimi xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Muj. Cali Gurey, waxana halkaas ka dhacay cadho ku timi mujaahidka oo markii dambe ka tegay Waftiga.
Meesha Canaanta ugu badan iyo Bahdilaadda Indho la’aanta ah loogu Geystay Mujaahidka, ayaa ahayd Degmada Qorilugud oo ah Goob odayaashii iyo Waxgaradkii fadhiyey aanay u kala hadhin Aflegaaddo ay dusha ka huwiyeen Mujaahid Cali Gurey, taas oo keentay in iyadoo hadalkii lagu jiro oo aan qadadii la aadin uu Mujaahidku cadho kaga baxo Goobtaas, isla-markaana keligii iska Tago Magaalada Caynaba oo ahayd Meesha waftigu ku jihaysnaa.
Duqayda Deegaanka Qorilugud ayaa mujaahidka u sheegay inuu ugu hiiliyo Reer Gabiley, iyagoo soo qaatay Hadallo uu mujaahidku hore uga yidhi Dhacdadii Xukuumaddu Gabiley ku gelisay Ciidanka RRU-da xilli Hanaddo kasoo jeeda lagu laayey Deegaanka Qorilugu, waxana ay u sheegeen inuu weedhihii uu dhacdadaas ka yidhi aanu miisaamin oo ay ahaayeen qaar eex ahaa.
Waxa kale oo ay soo qaateen dhammaanba hadallo naqdin ahaa oo uu Mujaahidku xukuumadda ugu jeediyey dhacdadii lagu laayey saraakiishii Qorulugud lagu laayey, waxana ay tilmaameen inaanay Cali gurey u ahayn wax karaamo ah, maadaama uu caan ku yahay Naqdinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Hoggaamiyo.
Mujaahidka, ayaa isagoo la yaaban sida aan kala hadhka lahayn ee deegaanadii uu soo maray oo dhan loogu canaantay, cadho kaga baxay Deegaankaas, waxana markii dambe waftigii ugu tageen Magaalada Caynaba oo kaligii iska joogay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com