|

Cali Gurey oo Sheegay in Khilaafkii Xisbiga Ucid uu dhamaaday,Kana Hadlay Murashaxnimadda Jamaal Cali Xuseen Iyo Gudoomiye-nimada Faysal Cali Waraabe DAAWO

Hargeysa 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Muj. Cali Guray ayaa si faahfaahsan uga hadlay khilaafka Xisbiga isaga oo sheegay inaanu gudaha Xisbiga khilaaf ka jirin ee uu yahay mid ka baxsan xisbiga, kuna tilmaamay “khilaafka dibada ee xisbiga” taasina ay dhamaan doonto.

Sidoo kalana wuxuu cadeeyay inaan wax Mansab ah oo laysku hayaana jirin oo Faysal yahay Gudoomiyaha Xisbiga, Jamaal na Yahay Musharaxa Xisbiga.
Dhanka kale Muj. Cali Guray waxa uu ka hadlay inaan Diiwaangalinta la siyaasadayn Ugu danbayntii wuxuu ka hadlay Baylahda badan ee dul hoganaysa Golaha Wakiilada iyo Xeerkii Lagu Dooran lahaa oo ay muuqato inaanay diyaar u ahayn, golahiina ka bixi waayay fasax. Warwarka ugu waynina yahay inaanu jirin Xeerkii lagu badali lahaa laguna dooran lahaa Golaha Wakiilada, Taasina ay ka mid tahay xil gudasha la,aanta Qarankan curyaamisay

Comments are closed