Cali Gurey oo ka hadlay heshiiskii axsaabta iyo xukuumada:Maxaa La Isku Hayay Maxaase Lagu Heshiiyay?
Hargeysa Sept 24,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha sadexaad ee xisbiga UCID Md Cali Gurey ayaa ka waramay sida uu u arko heshiiskii dhawaanta ay isla qaateen axsaabta mucaaridka iyo xukuumada Somaliland,Qoraal uu arinkaa uga waramay ayuu Cali Gurey ku yiri:
Isku soo wada xoori heshiiskii hore ayaa xusayay in “labada diiwaangelinood loo kala qabto si is barbar socoda oo aan midina tan kale dabar ku noqon karin”
Xeerkan golaha hor yaal ayaa isaguna qeexayay in muwaadinka isu diiwaangelinaya codbixintu uu sito warqadda ” Aqoonsiga Muwaadinka”. Taas oo macnuhu yahay hadii aanu sidan in aanu qaadan karin Kaadhka codbixinta, sidaana ku waayay xaqiisii codbixinta ama inu uu wax doorto,isaga o…o dabar looga dhigay diiwaangelintii hore ee madaniga ahayd. Taas ayay mucaaridku u arkayeen ahaydna in uu ka hor imanayay heshiiskii ay wada saxeexeen sedexda xisbi, Komishanka, iyo Wasaaradda Arimaha Guduhu.
Hadda waxa keliya ee is bedelay waa qodobkii oo lagu kordhiyay ” hadii ay dhacdo in muwaadiniinta qaarkood ” ay u suutogeliwaydo in ay hore u sii qaataan warqadda aqoonsiga muwaadinka waa in Wasaaradda Arimaha Guduhu ku sugtaa muwaadinnimadiisa goobta qaadashada kaadhka codbixinta”. Sidaa daraadeed diiwaangelintii hore dabar kuma noqonayso. Taasina xaajo ugub maaha hore ay inoo soo martay in Wasaaradda Arimaha Gudaha cid ka socota oo dabcan ka soo jeeda degaanka goobtaasi ay hubiso muwaadinnimada qafka kaadhka qaadanaya, hadii ay ka shakido waxa la hubinaya goob joogayaasha xisbiyada
Qodobada kale ee la isku hayay iyagu waxay ahaayeen kuwo khusaynay arimo farsamo oo axsaabtu aanay talo mooyee go’aan aanay ku yeelan karayn isla markaana aan si toos ah iyo si dadban toona uga hor imanaynin heshiiskii hore.