|

Cali Gurey Oo Diiwaanka Mujaahidiinta Ka Saaray Wasiir Xirsi Oo Dhawaanahan Isku Soo Darayey

Hargeysa:Nov,25,2014(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Ucid Muj. Cali Maxamed Yuusuf(gurey), ayaa deedafeeyey sheegashada Wasiir Xirsi ee la Xidhiidha inuu ku jirey Mujaahidiintii Dalka Usoo Halgantay ee SNM.

kujCali-gurey oo shalay warbaahinta la Hadlayey, ayaa sheegay inaanu xasuustiisa ku jirin Xirsi oo kamid ahaa Mujaahidiintii Dagaalka lasoo Gashay Taliskii Siyaad Barre, waxana uu ku adkaystay inaanu sinaba uga mid ahayn Kooxdaas Naftooda soo hurtay.

Mujaahidku waxa uu sheegay inaanay Halgamaanimadu wax isqariya ahayn, isla-markaana sida isagaba Bulshadu ugu yeedho Wasiirkana magaciisa loo raacin lahaa,

“mujaahid xirsi iyadoo la leeyahay miyaad Maqasheen, aniga Mujaahid Cali Gurey baa la Yidhaahdaa oo islaamahaa iigu yeedhee, Waan Maqlay Ninkaasi laakiin maan Arag isagoo Jabhad ah,” ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.

Cali Maxamed Yuusuf, waxa uu tilmaamay in Xilliyadii  lagu jirey Dagaalkii lala galay Nidaamkii Siyaad Barre, wixii ka Horreeyey sanadkii 1988-kii oo ahayd Markii Dagaalladii ugu cuslaa Mujaahidiintu gashay la is wada yaqaanay, xilligaasna aanu kamid ahayn Kooxdaas, waxana uu yidhi,

“1988-Kii wixii ka Horreeyey waanu iswada Naqaanaa kamana uu mid ahayn Hadii uu Yidhaahdo Kamid  baan ahaana waa Beenaale.”

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland oo Bulshadu baratay xilligii Xukuumadda Kulmiye Hoggaanka dalka la wareegtay, ayaa dhawaanahan kusoo celcelinayey inuu ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM, Waxana uu hadalkiisa ku daraa inuu xataa Halis ugalay oo Gaadiidka Kaaraha Loo Yaqaannaa uu xilligaas jiidhay, balse aanu Eebe Waxba Ku Yeelin.

Wasiirka ayaan wali haysanin Markhaati uu arrintaas u cuskado, waxana sheegashadu ay ku tahay Kaligii, mana jirto cid si gaar ah u sheegtay inuu halgamayaashaas kamid ahaan jirey.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed