|

“Cali Gurey Dabiirkiisii Ayuu Iibsaday” Aadan Dhoollayare oo Naqdiyey Hadallo ka soo yeedhay Madaxda Kulmiye, Kashifayna Hanti-Boobka Xukuumadda Siilaanyo DAAWO

Hargaysa 05. September 2017 (SDN/QJ):- Siyaasiga Aadan Axmed Cilmi Dhoollayare, ayaa dhalliilo kulul u jeediyey Madaxda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye oo uu sheegay inay si aan gabbasho lahayn ugu takrifalayaan Cashuurta Bulshada laga ururiyo iyo noocyada kale ee Hantida Qaranka, iyaga oo ugu ololaynaya Kulmiye iyo inay Dad ku iibsadaan Lacagta Dalka iyo Dadka ay ahayd in wax loogu qabto.

Aadan Axmed Cilmi Dhoollayare oo Xukuumaddii Rayaale ka soo qabtay Xilalka Wasiirka Beeraha iyo Wasiirka Cadaaladda, isla markaana xilligan ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sidoo kale Naqdiyey Siyaasiyiin hore Mucaaradka Waddani iyo UCID uga tirsanaan jiray oo wakhtigan ka mid ah Xisbil-xaakimka Kulmiye, kuwaas oo uu ka mid yahay Cali-Guray oo uu ku tilmaamay Nin Damiirkiisa iibsaday.

 

Waxa kale oo uu Aadan Dhoollayare Naqdiyey Hadallo ay Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Ku-xigeenkiisa ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada loo doortay Axaddii toddobaadkii hore Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ka jeediyeen magaalada Boorama oo ay Safar ku tageen.

Comments are closed