Cali Guray oo Mugdiga ka saaray Sababta ka danbaysay Weerarkii lagu qaaday Goob Diiwaangelineed
Hargeysa 19 February, 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa Markii Kowaad Waxa uu iftiimiyey Sababta keentay in Koox Hubaysani ay Weerar ku qaadaan Goob ka mid ah goobihii ay ka socotay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Gobolka Awdal.
Cali Guray Wuxuu bartiisa xidhiidhka bulshadda ee Facebook ku Sheegay in arrintaasi ay salka ku hayso isku haysi dhinaca degsiimada ah Waxaanu Yidhi “Hadda ayay sheekadu is furfuraysaa ay 13 sanadood u deldelaayeen lixda goobood ee xeebta waqooyi galbeed min Ceel Sheekh ilaa Cabdi Geedi. Waxa la weeraray Hadayta oy diiwaangelintu ka socotay oo Lughaya ka tirsan. Waxan hogaaminayay waftigii UCID oo kan keliya ee sedexda xisbi goobaha deldelan kormeerka ku soo maray. Labada xisbi ee kale midna uma kicin xagooda. Nin oday ah ayaa igu yidhi “waar colaadan aan jirin ee naloo abuurayo waxa ka qabta” isaga oo iiga jawaabayay sua’aal ka mid ahayd sua’aalaha aan shakhsiyaadka muhiimka ah ee waayo aragga ah ee aanu ku kulmaynay jiidaha aan kormeerka ku soo maray. Sua’aashu waxay ahayd ” hadaa tihiin Sacad Muuse Waqooyi wax ma wada yeelan kartaa Ciise iyo Gadabuursi hadii Lughaya la idin raaciyo” oo Golaha Degaanka ee Lughaya intaa ka qayb gashaan ma hawaysan kartaan in Mayor kuba idinka noqdo?
Hadda ragga Hargeysa ka duulay colaada ay wadeen iyo fidnada huruday ey toosinayeen ayaan ku xusuustay. Goobtan hadeeta oo wax yar galbeed-waqooyi ka xigta Cabdi Geedi diiwaangelintu way ka socotay laakiin colkan weeraray waxay dadka u sheegeen in goobihii deldelaa laga furay deldelaadii oo la raaciyay Borame laakiin markii aniga la i soo waydiiyay waan beeniyay oo waxan sheegay in aanay dhici karin heshiisna laga gaadhay goorta la diiwaangelinayo.
Waxa la yaab leh dadka wararka beenta ah ka faafinaya suuqyada iyo mafaariishta Qaylaadda ee weliba ibriiqyada hoos ugu adimaya een waxay doonayaan iyo waxay diidan yihiin aan iyaguna garanayn cidna u sheegi karin ilayn iyaga ayaaban garanayn eh. Bal sharciguba ha joogo eh hadii goobahani ay Lughaya raacaan kuwa faaiidada ugu badani ay ugu jirtaa maaha labada beelood ee kale( Ciise iyo Gadabuursi) ee waa kuwa goobahoodu deldelan yihiin laftooda