|

Cali Dheere Oo Ammaanay Wasiirradii Dawladdii Cabdilaahi Yuusuf, Kuwan Haatanna Ku Tilmaamay Alkoolistayaal Cadawgooda Wata

Barawe:25-Jan-2014(SDN)-Afhayeenka Ururka Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in aanay waxba soo kordhin doonin ku biiritaanka Ciidanka Ethiopia ee kuwa Amismo.

cali-dheere11Cali Dheere ayaa waxaa uu sidoo kale is barbar dhig ku sameeyey Dawladihii kala Duwanaa ee Soo maray somalia intii ururkoodu jirey, waxana  uu tilmaamay in wasiirradii xubnaha ka ahaa dawladdii uu madaxda ka ahaa Cabdilaahi Yuusuf ay ahaayeen qaar wax diidi karo.

“Markii Nairobi la isku geeyay hogaamiye kooxeedyo iyo dad qabaa’ilada laga keenay, nimankaas ayaga ah waxay ahaayeen kuwo wax diidi kara, oo dowladihii safka ah ama cadawga uu ahaa wax bay ka diideen, taasna khilaaf bay  kicisay, waxana ay keentay in la isku diray Cali Geeddi iyo Cabdulaahi Yuusuf, Cali Geedi la ceydhiyay, kadib Nuur Cadde la keenay, cabdulaahi yusuf isna la ceydhiyay, marka kuwan hada la dhoodhoobay ee laga keenay meelaha Yurub iyo Mareykanka nimanba ninka ka xun yahay waxba ma diidi karaan, kuwo diidmo ku jirto xataa ma aha, meelna ma gaadhi doonaan waa ka doqonsan yihiin kuwii hore waa aalkuliistayaal”ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere.

 

Waxaa uu sheegay in Wasiirada cusub ay u beegsan doonana sida Wasiiradii hore oo uu xusay inay ahaayeen kuwo kaga aqoon iyo tayo wanaagsanaa Soomaaliya, isla markaana ay mid mid u beegsan doonaan.

Hadalkan uu cali dheere Jeediyey ayaa noqonayaa midkii ugu horreeyey ee Kooxda Alshabaab ay ka yidhaahdeen dhismaha Dawladda cusub ee Ra’isal wasaare Cadbiweli, lagamana sugaynin inay Ammaanaan.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed