Cafis u Fidinta Madaxweyne Siilaanyo ee Siyaasiyiinta Masiirka Qaranka ka Hor Yimid Waa Tusbax Furmay DAAWO
Hargaysa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland ayaa Shaacisay Maalintii Shalay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu Cafis Buuxa u fidiyey Siyaasiyiinta Dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda ee ka qayb qaatay Hanaanka doorashooyinka Somaliland.
Madaxwayne Siilaanyo, waxaa uu sheegay in dadka aan awoodin inay Hargeysa kusoo noqdaan ay caawin doonaan sidii ay markale ugu soo noqon lahaayeen wadankoodii maadaama ay soo ogaadeen saamiga ay ku leeyihiin Dawlada Somaliya.
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxaa uu cafis u fidiyay dhamaan siyaasiyiinta ku jira dawlada Somaliya ee kasoo jeeda Somaliland mar haddii ay maanta ogaadeen meesha ay qadarinta iyo sumcada ku dhex leeyihiin inay tahay dalkooda”ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta Cismaan Saxardiid oo la hadlay warbaahinta waxaanu intaasi ku ladhey ” Cidii awoodi wayda inay Somaliland kusoo noqoto xukuummadu waa u diyaar inay caawiso oo ay kusoo celiso dalkoodii Hooyo.”
Cafiska Madaxwayne Siilaanyo ayaa waxaa uu daba socdaa kadib markii siyaasiyiinta kasoo Jeeda Somaliland ee Xilalka ka haya dawlada Federaalka Somaliya ay ka baxeen shirkii madasha wadashiga ee todobaadkii hore ka socday Muqdisho kuwaasi oo diiday habka saami qaybsiga ee kuraasta baarlamaanka sare ee Somaliya.
Siyaasiyiintu waxaa ay sheegeen inay dib ugu soo noqonayaan Somaliland maadaama ay Somaliya ka waayeen Xaqii iyo saamigii ay ku lahaayeen Dawlada Federaalka Somaliya.
Siyaasiyiinta aaminsan mabda’a Soomaaliweyn ee u dhashay Somaliland waxaa inta badan u cafis u fidisa xukuummada Somaliland iyagoo marka hore kasoo horjeeda madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland.