|

“Cadowga Jabuuti waa Cadowgayaga(Somaliland),Cadowga Somaliland-nna Waa Cadowga Jabuuti”Wasiir Cali Xaamud Jibriil

Jabuuti 09. July 2017 (SDN/QJ):- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka cilmi baadhista,tiknoolajiyada iyo xidhiidhka goleyaasha Somaliland Md.Cali Xaamud Jibriil oo ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyey magaalada Jabuuti ayaa kulamo kala duwan la yeeshey mas’uuliyiinta ka tirsan xukuumadda Dalka Jabuuti.

Wasiirka oo booqasho shaqo ku jooga dalkaasi ayaa waxaa ay la kulmey MadaxweynahaJamhuuriyadda Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle, iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradas ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay madaxweyne Geelle

 

Wasiirka cilmi baadhista,tiknoolajiyada iyo xidhiidhka goleyaasha Somaliland Md.Cali Xaamud Jibriil ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA-da in uu shirkaasi ahaa mid labada dhinac isku xog-waraysteen, sidii dawladda Somaliland iyo dawladda Jabuuti xidhiidhkooda u sii adkeyn lahaayeen “Waxaanu nahay laba dal oo walaalo ah oo dhiig iyo walaalnimo iyo waxkastaa ka dhaxeeyaan oo aan sinnaba loo kala saari kareyn”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watey ayaa waxaa uu yidhi “Markaa labadayada dal ee jaarka ah waxaanu dooneynaa in aanu xidhiidhkayaga sii xoogeyno oo uu si qoto dheer u sii dhaadhaco oo xagga waxbarashada iyo xagga farsamada iska caawinno”Ayuu yidhi wasiir Md.Cali Xaamud Jibriil oo u warramayey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA-da.

Wasiirka cilmi baadhista,tiknoolajiyada iyo xidhiidhka goleyaasha Somaliland Md.Cali Xaamud Jibriil ayaa si cad u sheegey in cadowga dalka Jabuuti uu yahay cadowga Somaliland,isaga oo geesta kalena sheegey in cadowga Somaliland-na uu yahay cadowga Jabuuti,isaga oo arrimahaasi ka hadalaya waxaa uu yidhi “Waxaa noo bilaabmey xidhiidh qoto dheer oo aad u qoto dheer,maadaama aanu nahay laba dal oo jaar ah oo wax alaaliyo wixii cadowga Jabuuti waa cadowgayaga,cadowga Somaliland-na waa cadowga Jabuuti”Ayuu yidhi Wasiirka cilmi baadhista,tiknoolajiyada iyo xidhiidhka goleyaasha Somaliland Md.Cali Xaamud Jibriil.

Si kastaba ha ahaatee dawladda Jabuuti ayaa xadkeeda magaaalada Lowyo-caddo waxaa dhibaatooyin badan kala kulma shacabka reer Somaliland.

Comments are closed