Caddaalada UCID waa sidda cadceedaa, dacaayado riqiis ahna xisbiga waxba udhimi mayso
Salaan sare waxaan hawada u marinayaa saxaafada Somaliland. Waxaan jeclaystay inaan jawaab yar oo kooban uga celinyo shaqsiyaadka caadeystay (gaar ahaan qof qarannews ku soo qorey been aan jirin) inay warar iyo dacaayado riqiiska oo aan jirin kolba xisbiga Cadaalada iyo Dalyeelka UCID ka qoraan, iyaga oo adeegsanaaya mareegaha ama Websites-ka larabay inay iska hubiyaan waxay umada ugu soo bandhigayaan. Waxaa kale oo aan uga digayaa shabakadahan inay ka fiirsadaan qoraalada bilaa qiimaha iyo beenta ah ee loo diraayo si ay ufidiyaan, waayo marka mareeg dadku u qadariyaan run sheegna lagu yaqiin siidayso dacaayado daciif ah iyo been aan jirin waxaa hoos udhacaaya qiimihii iyo qadarintii (credibility) shacabku u hayeen.
Haddii aan shaqsigan caddaalad xumada ka tirsaday xisbiga UCID u soo laabto oo nal ugu shido/iftiimiyo mugdiga uu ka dhex calaacalaayo. Waxaan waydiin lahaa horta warkan aad soo qortey mayska hubtaa se xisbiga UCID laantiisa UK sifiican ma u dhexfadhiisatay ama u wareysatay mise warkan waa mid laguu soo dhiibay. Haddaba aan kuu bayaamiyee Maaliyada UK Gabadh Gudoomiye Faysal Adeer uu u yahay ma hayso, waxaa haya gabadh ka soo jeeda Gobolka Awdal, shaqsi UK ama meelkale joogaana xubin ama xoghaye ma magacowdo ee waxaa jira nidaam xisbigu wax u magacaabo. Waxaad kale oo hubisaa ama baadhaa xoghayeyaasha xisbiga inay Faysal isku wada reer yihiin iyo in kale. Ugu danbeyn bal hubi xisbi bahweynta UCID inaan beelaha aad raadinaysaa ka maqnayn yahayna xisbiga kaliya ee umadda Somaliland oo dhami ka dhex muuqato.
Ugu danbeyn Somaliland oo dhan haddii caddaalad ka wayday oo aad weli raadinayso waaba ayaan darro iyo qaran jab se muxaafid iyo mucaarad ama qaranka dhami malaha ma wadda waalnee wax kalaa siya. Rabi xaqqa haynagu sugo…. AAAMIIIIIN
Gudoomiyaha UK ee xisbiga caddaalada iyo dalyeelka UCID
Mohamed Jama Ismail (Shiine)
London