|

Caddaado: Haweenay Dhawaan Dil Argagax Leh Geysatayoo Qudh Gooyo Lagu Xukumay

Caddaado 08. April 2017 (SDN/QJ):-Maxkamad ku taala Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ee dalka Soomaaliya, ayaa dorraad xukun dil ah ku ridday haweeney dhawaan magaalada Cadaado dil argagax leh ugu geysatay gabadh yar oo 7-sano jir ahayd.

Haweeneyda xukunka dilka ah lagu riday ayaa 6-dii bishii March duleedka magaalada Cadaado waxa ay ku gowracday gabadh 7-sano jir ah oo ay ku eedeesay in ay dhibtay sidoo kale ka dishay caruur yar yar ay dhashay.

 

Garsooraha maxkamada Galmudug Sheekh Maxamed Guuleed Kaynaan ayaa sheegay reerka ay kasoo jeedo gabadha yar ee la gowracay in ay diideen in ay qaataan diyo ayna codsadeen in dil qisaas ah lagu fuliyo haweeneyda dishay gabadhooda.

 

Waxa uu sheegay Garsooraha in laga wanaagsan yahay in wax walbo lagu dhaqo xeer jajab , waxa uuna uga digay odayaasha dhaqanka in ay ka waantoobaan xeer jajabka isagoona tilmaamay in muhiim tahay in wax walbo sharciga lagu dhameeyo.

 

Haweeneydan xukunka dilka ah lagu riday ayaa dilka ay u geysatay gabadha yar waxaa si weyn uga xumaaday bulshada Cadaado kuwaa oo qaarkood dhigay dibad bax, waxaana dilkaasi uu ahaa mid dad badan oo maqlay ay aad uga naxeen .

Comments are closed