“Cadaalladii Iyo wax wada lahaanshihii Muuse Biixi Sheegayay ma cadaalad darradan ayay ku dambeysay? Suldaanka Beel KULMIYE Dhiigooda Raacay Oo Cadaalad Darro Ka Tirsaday Muuse Biixi DAAWO
Gabiley 03.July 2016 (SDN/QJ):- Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, oo ka mid ah salaadiinta Somaliland kana soo jeeda gobolladda Awdal iyo Gabiley, ayaa sheegay inuu ka xumaaday wax uu ugu yeedhay cadaalad darro uu sameeyay Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu ka qadiyay beelaha Samaroon guddida fulinta ee uu Arbacadii u magacaabay Gobolka Gabiley.
Suldaan Samatar oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Gabiley, ayaa ku dooday in tallaabadani tusmaynayso inaanay waxba ka jirin wada lahaanshaha xisbul xaakimka. “Waxaan halkan ka cambaareynayaa tallaabada cadaalad darrada ah ee Guddoomiyaha KULMIYE uu ku soo dhisay maamulkii xisbiga ee Gobolka Gabiley oo uu u kala eexday beelihii gobolka wada deganaa ee xisbiga u soo wada halgamay,”ayuu yidhi Suldaan Ibraahim.
“Guddoomiyaha KULMIYE beelo waxa uu siiyay sad-bursiimo, halka uu beelo kalena oo cudud xoog leh ku leh deegaankana aanu xubin-na siinin, arrintani waa arrin cadaalad darro ah, jabna waxay ku tahay xisbiga KULMIYE iyo maamulkiisa arrinkaas gaadhay,”ayuu ku dooday Suldaanku waxaanu intaas ku daray “Waxaan u sheegaynaa haddii xisbigu tallaabadaas ku sii socdo inay tahay arrintii uu ku jabayay.”
Suldaan Ibraahim isagoo soo tixraacayay hadalladii u dambeeyay ee murrashaxa madaxweynaha xisbiga KULMIYE waxa uu yidhi “Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrasha xisbigu hadalladiisii uu jeediyay muddooyinkii u dambeeyay ee uu ku sheegayay cadaallada, midnimadda iyo wax wada lahaanshaha xisbiga, ma waxay ku dambeysay inuu beelaha Baho-samaroon ee waligood deganaa deegaanka uu ku soo dari waayo maamulkii xisbiga ee Gobolka Gabiley loo sameynayay, arrintan haddii aanu nahay madaxdii beelaha deegaanka uma dul qaadanayno.”
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo isku raas yihiin siyaasiga weyn ee horaantii bishan ku biiray KULMIYE ee Prof.Axmed Ismaaciil Samatar isla markaana ay isku jifo yihiin Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo markii labaad u cararaya xafiiska, ayaa beeshiisu muddo dheer si weyn u taageeri jirtay xisbiga KULMIYE, iyagoo isku haysta in KULMIYE uu dhiigooda raacay.
Akhri Magacyadda Ardaayadda ay ka soo kala jeedaan Guddidii loo magacaabay Maamulka KULMIYE ee gobolka Gabiley:
1.Axmed Maxamuud Shirwac – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. –( Jibriil abokor-Reer Dalal ).
2. Buraale Mawliid Aw Abdi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Cabdale Abokor).
3. Mursal Maxamed Odawaa – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Jibriil abokor-Reer Xaad).
4. Muumin Daahir Kaahin – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Jibriil abokor-Reer Xareed).
5. Saado Yuusuf Xuseen– In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Jibriil abokor -Baho Cumar).
6. Cabdi Cali Cilmi– In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Jibriil abokor-Baha Cumar).
7. Cismaan Muxumed Xuseen (Gees) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Siyaasadda Iyo Nabadgelyada Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Madigaan).
8. Iid Cabdiraxmaan Sh. Cabdillaahi– In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa xidhiidhka Laamaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Akishe).
9. Nimco Maxamuud Daa’uud – In maanta laga bilaabo ay ahaato Madaxa Dhaqaalaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga Kulmiye. (Baha-cumar).
10. Maxamed Xasan Maxamuud ( Ina Xasan Canjeex) – Xubin. (Gabooye).
11. Mahdi Muxumed Guuleed – Xubin.. (Ugaadhyahan).
12. Mustafe Xaaji Maxamuud Cabsiiye – Xubin.. (Jibriil abokor Dayrayahan).
13. Sahra Cabdillahi Sheedaal – Xubin. (Jibriil abokor Bah-habar aadan).
14. Cabdirisaaq Sh. Aadan Cali – Xubin (Cabdalle Abokor).
15. Cabdisalaan Cumar Warsame – Xubin (Jibriil abokor-reer Dalal)
16. Buux Maxamed Xaaji Aadan – Xubin.(Cabdale abokor).
17. Aw Yuusuf Axmed Xasan – Xubin.. (Toljecle).
DAAWO Hadalka Suldaan Ibraahim Jaamac