Cadaalada iyo ilaalinta xuquuqda dadka waa arin waajib,ku ah masuulka qarankan xil u haya,Wasiirka Warfaafintu ha ku Guulaysto Go’aanka Cadaaladeed
waa talaabooyinkak lagu garto masuulka wanaagsan inkastoo qarankeena,ay joogaan rag badan oo ilaahay ku manaystay garasho iyo aqoon uu ku maamulo,hawl qaranku u igmaday, hadana waa bani,aadam cida masuulka xil u magaacabysaa oo walaga yaabaa, inay u dhuuntaan mid ama laba qof oo sifo khaladan, loo magacaabi karaa,waxaan ka mid ahay dhalinyarada ku nool agagaarka xaafada ay ku taalo xarunta wasaarada warfaafinta waxaan inta,badan wakhtigayga aan firaaqada leeyahay ku qaata agagaarka wasaaradaasi,fursad fiican ayaan u helay inaan la sheekaysto shaqaalaha kala duwan ee wasaaradaasi ka hawlgala,cajiib waxaan arkaa dhawrkii cashoba,maalin askari jiidaya wiil dhalinyaro ah oo aan waji ahaan u gartay inuu shaqaalaha ka mid yahay, oo muran ka dhex,socdo sarkaalkan labisan ee ka saaraya dayrka wasaarada, waa maxay sababta laygu saarayaa,miyaanan muwaadin shaqaale ah ahayn, adeerf anigu askari ayaan ahay waa amar maareeye ee ka baxa wasaarada, qaarkood waxay iyagoo baraad la, ayey isyidhaahdaan gal shaqadaadii askariga jooga albaabka idaacada ayaa u diida oo u sneega in amar maareeye uu qabo,mana gali kartide iska tag,waxay arimahani ahaayeen caadooyin joogto ah oo ka dhici jiray wasaarada warfaafinta, oo shaqaale badan dibada laga dhigay,arinta kale ee aan la yaabi jiray waxa ka mid ah wiil shaqaale ah ayaa laga jaray gunadii oo maareeyahaa war looga geeyey, iyo warkaasi waa lacag ee yaa ku yidhi soo duub,
akhriste anigoo ah wiil dhalinyaro ah, waxaan maanta maqlay arin aanan filayn oo ah wasiirkii warfaafinta ee dhawaan la soo magacaabay wuxuu qaaday talaabo ka farxisay shaqaalaha wasaaradaasi iyo inta kale ee jecel cadaalada oo ahayd waa in la simaa shaqaalaha wasaarada mushaharkooda iyo u gunadooda oo lagu saleeya darajada ay ku soo galeen imtixaankii ay ku noqdeen shaqaalaha,runtii waa guul horseed u noqonkarta dhamaan rajada shaqaalaha dawlada ee dulmigu soo daashaday, ilayn waa arin run ah NIN WALIBA WUXUU GALLAY WAA LAGA GUDAYAA, aad ayaan u qoslay markaan maqlay maareeye khadar cali gaas ayaa laga joojiyey inuu gallo wasaaradda,oo askarta ayaa loogu dhiibay warqad,waxaan dag dag u tagay goobihii u dhawaa ee aan kula kulmi jiray shaqaalaha wasaaradaasi oo dhamaan intaan,kula kulmay qaarkood ku ducaysanayaan ilaahow noo ajiib go,aankaa wasiirkayaga ee cadaalada iyo xaqsoornimada xambaarsan qaarkood way qoslayaan oo waxay leeyihiin waa tii uu hebel ku sameeyey waa abaalkii,hadaaan la sheekaystay waxaan ka naxay arimahan
waxa soo baxay rag aan shaqaale rasmiya ahayn oo u mushahar qaata 7.000.000 sl sh sidoo kale shaqaalihii ugu waawaynaa inay u xaadiraan 1.000.000 qaarkoodna la dulkeenay rag ay hayb ahaan isku dhawyihiin oo lagu garaacayo si booska looga saaro waxa caado joogto ah u noqtay masuulkan inuu cabsi galiyo shaqaalaha gaar ahaan kuwa rasmiga ah oo ka baqanaya inuu meesha ka saaro,rag dumar dhamaan shaqaalaha telefishanka qaranka ee magaca iyo waxtarkaba lahaa waxa bedelay koox qurba joog ah oo aan aqoon iyo waayo aragnimo u lahayn shaqada balaadhan ee telefishanka qaranka ,nasiib darada ka dhacday waxay ka muuqataa wajiga shaqaalaha oo niyad jab wayn ka muuqdo laakiin anigoo u hadlaya sida ilaahay igu ogyahay waxaan maanta la qabaa dhamaan shaqaalaha wasaarada gaar ahaan telefishanka qaranka farxada iyo iftiinka cadaalada oo aan jeclahay in cid waliba ay ku raaci doonto shaqaalaha iyo wasiirka warfaafinta waxaan baaqan u dirayaa madaxwayne siilaanyo oo aan leeyahay maanta ha eegin hana xeerin hana dhawrsan inaad shakhsi ku doorsato cadaalada meesha ka baxday ee ay ku dulmanyihiin dhamaan shaqaalaha telefisanka qaranka oo gaadhay heerkii ugu xumaan aa lagu arko qarankan madaxwayne kuuma aqoonsani masuul cadaalad xumada jecel ee waxaan kuu aqoonsanahay madaxwayne abidkii lagu yaqaanay ilaalinta cadaalada
muwaadin ismaaciil cismaan xasan
tell 4449863