Cabsi Xoogan oo Wehel la Noqotay Ergadii Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Somalia soo doortay ee Haatan Muqdisho ku sugan
Muqdisho 11. June 2017 (SDN/QJ):-Cabsi xoogan ayaa lasoo daristay Ergadii Xildhibaanada Aqalka hoose kusoo dooratay qaar kamid ah Xarumaha maamul goboleedyada dalka, waxaana cabsida xoogeeda lasoo daristay Ergada ku sugan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay qaar badan oo kamid ah Ergadii Xildhibaanada Aqalka hoose kusoo doortay Magaalooyinka Cadaado, Baydhabo iyo Jowhar, waxaana hada cabsi badan dareemaya qaar kamid ah Ergadaasi oo iyana ka baqaya in la beegsado.
Ergada ugu badan ee magaalada Muqdisho lagu dilay ayaa ah kuwii Xildhibaanada kusoo doortay magaalada Cadaado, waxaana Bisha Ramadaan gudaheed la dilay tiro badan oo kamid ah Ergada xildhibaanada soo doortay.
Qaar kamid ah Xaafadaha magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka aysan dowlada ku badneen ayaa waxaa isaga soo guuray ergadii degneed iyaga oo ka cabsi qaba in la dilo, waxa ayna qaarkood degeen degmooyinka ay ku badan yihiin ciidanka dowlada .
Xildhibaanada ay soo doorteen ergadan noloshooda hada halista ku jira ayaan wax war ah ka heyn , mana jiro inta badan Xildhibaanada ergadii soo dooratay la dilay wax gacan ah ay ee siiyeen dadka dartood loo beegsaday, Xildhibaanada ayaanta intooda badan albaabada ka xirtay Ergadii soo dooratay.
Magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay ku dhawada 50-qof oo isugu jira Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar kamid ah Odayaashii soo xulay Ergada, waxana wali wajahayaan ergada cabsi kale iyaga oo wali halis ugu jira in la dilo.