|

Cabsi Iyo Warar Laga Qabo In Sirdoonka Ethiopia iyo Kenya Ee Gudaha Somalia Ku Sugani Xoog Kula Wareegaan Sakariye Ismaaciil

Ceel Waaq:Dec,29,2014(SDN/QJ)-Waxa Soo Baxaya Cabsi xooggan oo laga qabo in Ciidamada Kenya iyo Ethiopia ee Gudaha Somalia ku sugani ay si  awood ah kula wareegaan Madaxii Sirdoonka Al-shabab oo dhawaan Gacanta Ciidanka Dawladda Soo Galay.

mucIbraahim Guuleed, oo ah Gudoomiyaha Degmada Ceel-Waaq ayaa Qaar kamid ah Warbaahinta u sheegay shalay isniintii  Sirdoonka Kenya & Ethiopia ay isku dayayeen inay si xoog ah ku kaxaystaan Zakariye Ismaaciil Xirsi oo tan iyo dorraad lagu hayo Guri ku yaalla Degmadaasi.

“Ciidamo xoog leh oo Ilaaliya Amaanka Zakariye ma hayno, waxaana uga cabsanaynaa inay la wareegaan Ciidanka Sirdoonka Kenya & Ethiopia oo ku sugan Gobolka Gedo, aad baan uga welwelsanahay Xaaladda, waxaana rabnaa inaan Zakariye ku wareejino Muqdisho,” ayuu yidhi Ibraahim.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Degmada Ceel Waaq ay suurta-gal tahay inay Kooxda Al shabaab ay soo weerarto, si ay u furtaan Madaxoodii hore ee Sirdoonka Zakariye Ismaaciil.

Labadii Maalmood ee Sakariye ku jirey Gacanta Dawladda waxa aqalka lagu hayo Tegay Sirdoonka Kenya, oo codsaday in lagu wareejiyo, balse uu diiday Taliyaha Ciidanka Gobolka Gedo Jen. Cabaas Gurey, iyadoo taasina xiisad ka dhalay.

Dhinacyo badan ayaa doon doonaya in lagu wareejiyo Zakariye, oo Mareykanka dul-dhigay soo qabashadiisa Lacag dhan 3 Milyan oo Doolaar bishii Juun ee 2012, markii Al shabaab ay ku biirtay Al Qaeda.

Zakariye Ismaaciil Xirsi waa Aqoonyahan Culuumta Dhaqaalaha kasoo baartay Jaamacad ku taalla dalka Pakistaan, waxaana Da’diisu lagu qiyaasay 35 Sano Jir, wuxuu Xilal badan kasoo qabtay Maamulka Al shabaab.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed