Cabdiweli Gaas “Punland ma Aqbali Doonto Doorasho mar kale Dib u dhacda”
Garowe 05, October 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maamul Goboleedka Somaliya ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in aanu maamulkiisu markale ogolaan doonin dib u dhac ku yimaada doorashada dalka Somaliya ka dhacaysa Bisha November ee sanadkan.
Madaxwaynaha Puntland waxaa uu sheegay in dhammaan heshiisyadii ay dhowaan madasha wadatashiga qaranka Somaliya wada saxeexdeen ay Puntland sidii lagu heshiiyey ay uga hirgeleyaan deegaanada Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan Sheegay wakhti Doorashada Somaliya 2jeer ay dib u dhacday
Doorashada Somaliya Waxaa la sugaya in maamullada dalkaasi ay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya labada aqal ee baarlamaanka,laakin illaa hadda ma jiro maamul xubnaha soo gudbiyay.