|

Cabdiweli GAAS Oo Ka Hadlay Qorshaha Dawladda Soomaaliya Ee Ku Waajahan Somaliland

Muqdisho, 9 August, 2016-(SDN/QJ): – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa ka hadlay dib-u-dhaca ku yimid Doorashada Soomaaliya, taasi oo qorshuhu ahaa in la qabto Bisha September.

GaasDr. Gaas oo u warramayey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa muujiyey in Dawladda Federaalka Soomaaliya doonayso in Qaab aan la shaacin oo qarsoodiya Dad reer Somaliland ah looga qayb-geliyo, qorshahaasi oo sidoo kale la doonayo in lagula Macaamilo Dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan oo illaa hadda aan saamaysan Maamul soo xula Dadka uga qayb-galaya Doorashooyinka Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Madaxweyne Gaas oo isagoo ku sugan Magaalada Muqdisho oo uu kaga qayb-galay Shirka loogu Magac-daray Madasha Wada-tashiga Soomaaliya, ayaa isagoo ugu horeyn ka hadlaya dib u dhaca Doorashada Soomaaliya wuxuu yidhi, “Go’aan kama dambeys ah oo madasha ka soo baxay ma jiro, laakiin anniga qiyaasteyda waxaan is-leeyahay laba bilood waxaan dhammeyn waa lugu dhammeyn kara.”

 

Cabdiweli Gaas oo la waydiiyey sida Gobolka Hiiraan oo kale uga qayb-galayo Doorashada Soomaaliya, Maaddaama oo illaa hadda dhismin Maamul Gobolleed la doonayo in halkaa laga yagleelo, ayaa sheegay in loola Macaamili doono Hab la mid ah ka Dawladda Federaalka Soomaaliya doonayso inay Somaliland kaga xulato Dad ka qayb-gala Doorashadaasi, “Gobollada Maamulladoodu aanay weli dhismin sida Hiiraan, waxay u baahan tahay sida Somaliland oo kale in la helo farsamo kale oo Arrintooda wax lagaga qabanayo..”ayuu yidhi, laakiin ilo-wareedyo kale ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Dawladda Soomaaliya qorsheysay inay si qarsoodiya Somaliland gudaheeda uga xulato Xubno ka qayb-galaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Walow aanu Madaxweynaha Puntland carabta ku dhufan.

 

Xukuumadda Somaliland, ayaa dhowr jeer oo isku xigta Madax-dhaqameedka uga digtay inay xidhiidh la yeeshaan Arrimaha Soomaaliya ka socda.

Comments are closed