|

Cabdiweli Gaas oo Boqasho ku maray Deegano badan ayaa Galabta Garoowe ku soo Laabtay kana Hadlay wixii uu ku soo Arkay Deeganadii uu tagay

Garoowe Dec 14,2013(SDN)-Musharax Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Maalmihii ugu dambaysay isaga iyo wafdi uu Hoggaminayay oo isugu jiray Odayaal waxgarad iyo Aqoonyahan ay ku marayeen Gobalada Puntland ayaa Wafdiga waxaa galabta ay ku soo noqdeen Magaalada Garoowe.
Cabdiweli ayaa aad uga Mahadceliyay Dadweynihii faraha badna ee ku soo
dhoweeyey Magalooyinkii u tagay iyagoo Muujinayay sida ay u doonayan
Isbedel Cusub iyo Horumarinta Deeganadooda.

” Meelihii aan Tagnay dadkii joogay waxaan iska Waraysanay Xaladaha ka
jira Puntland Guud ahaan waxayna dhamantood ahayeen Dad Diyaar u ah
Isbedel, dad u heelan Isbedel Dad raba in Puntland ay Hormarto oo
Meesha ay joogto laga qaado Meesha ay Istaahishana la geeyo” ayuu yiri
Gaas mar uu Garoowe kula hadlay qaybaha Warbaahinta.

Musharaxa ayaa sheegay in Deeganadii ay tageen Is Waraysi kaddib ay
soo Ogadeen Xaladahooda dhabta ah ee ay ku sugnayeen Shacabkaas taaso
uu sheegay Musharaxa in ay waajib ku tahay Musharaxa iyo qofka Xilka
haya labaduba inay booqdaan kaddibna la Tixgeliyo Rabitankooda
Dadweynaha.

Safarka Musharaxa iyo wafdigiisa ayaa ka soo Bilowday Magaalada
Gaalkacyo 3 Bishaan December 2013 laga soo bilaabo wakhtigaas ilaa
Maanta ayuu Socdaal ku maray ilaa Shan Gobal oo kala ah Mudug, Nugaal,
Karkaar, Bari iyo Sanaag, Musharaxa ayaa lugta Mariyay Degmooyin badan
oo qaybtood ay Musharixiinta u tartamaya Madaxtinimada Puntland weli
gaarin taasina ay Kalsooni weyn ku beertay Dadkii Deeganka ee uu la
kulmay.

Dr Gaas ayaa ugu Hambalyeyay Raisulwasaraha Cusub ee Soomaaliya Mr
Cabdiweli Sheikh Axmed xilka loo dhiibay waxaana uu shegay in uu yahay
Aqoonyahan karti u leh Xilka loo Magacabay isla markana uu si fiican u
garanayo Isagoo alla uga Baryay in xilkiisa uu ku Guuleeyo “Magacaas
Cabdiweli laguma Khasaari jirin Inaan isagana lagu Khasaarin ayaan u
rajeynaya” ayuu hadalkiisa raaciyay Musharaxa.

Mar Cabdiweli oo Saxafadda ay wax ka weydiisay Kulan Saxafadeedkii
Madaxweynaha Puntland 12-kii Bishaan December uu ku soo dhoweeyey
kulanka Musharixinta iyo Madaxweynaha ayuu Cabdiwelina Dhankiisa soo
dhoweyay Kulankaas isagoo ku daray in uu rajaynaayo in kulankaasi uu
noqdo mid Danta Guud iyo Badbaadada Puntland ay ku jirto, Doorasho
Xalaal iyo Cadaalad ku salaysana ay qabsoonto 8 Janaayo 2014.

A.A Ismacil
Xafiiska Warfaafinta Musharax Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Comments are closed