Cabdiwali Gaas oo soo dhoweeyay Heshiiskii Addis Ababa
Garowe:31-Aug-2013-(SDN)-Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Raysul wasaarihii hore ee xukuumaddii KMG ahayd ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay magaalada Addis Ababa Arbacadii la soo dhaafay ku kala saxeexdeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka gobbaland ee Jubbooyinka.
Cabdiweli Gaas ayaa heshiiska ku tilmaamay mid albaabbada u furaya maamullada kale oo dalka, oo horseedaya in maamullada kale ee lagu wado dalka in laga dhiso ay aragti wanaagsan ka qaataan.
Wuxuu xusay in loo baahan yahay in dalka laga hirgeliyo nabadgelyo, dib-u-heshiisiin iyo xasillooni.
Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u soo jeediyay labada dhinac inay hirgeliyaan qodobbada heshiika ay kala saxeexdeen.
Cabdiwali gaas oo hore ugu dhawaaqay inuu u taagan yahay musharaxnimada madaxweyne ee Puntland, waxana uu haatan xidhiidh fiican la leeyahay xukuumadda ku meel gaadhka ah ee soomaaliya, iyado aanu haatan fiicnayn wada shaqaynta ka dhaxaysa faroole iyo xasan sheikh.
Somalidiasporanews.com.