Cabdiqaasim Salaad Oo Farta Ku Fiiqay Waddamo Deris ah Oo Somalia Ka Degi La’dahay, Ra’isal wasaaraha Cusubna Talooyin u Guntay
Cairo:28-Dec-2013 (SDN) –Madaxweynihii Hore ee Somalia Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa ka Hadlay Dhibaatooyinka Siyaasadeed iyo Kuwa Maamul ee ka Jira Somalia tan iyo intii ay Burburtay Dawladdii Dhexe ee Somalia.
Cabdiqaasim oo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, ayaa isagoo u warramay Qaar ka mid ah warbaahinta tilmaamay inuu il gaar ah ku eegayo dhibaatooyinka ka taagan somalia, waxana uu xusay inuu ku rajo weyn yahay inay dhinaca wanaagsan u dhacdo mustaqbalka dhaw.
Madaxweynihii hore ee Somalia Cabdiqaasim waxa uu wax laga murugoodo ku tilmaamay khilaafkii dhawaan loo Burburiyey Dawladdii Ra’isal wasaare Saacid iyo Muranada inta badan soo kala dhex gala Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha uu soo magacawdo oo uu sheegay inay la kawsatay xukuumaddii carta.
Cabdiqaasim ayaa tilmaamay Soomaaliya in ay faragallin ay ku hayaan waddamada gobalka iyo kuwa caalamka, “Dawladaha Derisku hub, dhaqaale iyo siyaasad ayey ku taageeraan siddii Soomaaliya aanay u dagi lahayn, arrintaas muddo 10-sanno laga joogo ayaan sheegay “ayuu yidhi.
Madaxweynihii horre ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale tilmaamay in khilaafka madaxda dowladda inta badan uu sabab u tahay dastuurka qabyada ah oo aan qeexeynin awoodaha madaxda dowladda sida madaxweynaha, ra’iisalwasaaraha iyo baarlamaanka.
Wuxuu ra’iisal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed ugu baaqay in uu la tashado madaxweynaha, baarlamaanka iyo shacabka Somaaliyeed.
S.D.N