|

Cabdillaahi Fadal oo Si Indho La’aan Ah Uga Hadlay Gelelefkii ay Habeen Hore Ciidamada Afka Duubtaa Kusoo Qafaasheen Cismaan Awr Liqe Iyo Wiilashiisa

Hargeysa June 09,2013(SDN/Hubaal) — Taliyaha booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa  tallaabooyin Amniga lagu sugayo ku tilmaamay hawl-gallo   Ciidamadda RRU-da iyo Booliska oo is kaashanaya ku gelelefeen   guryo dad shicib ahi leeyihiin kuwaas oo amar la’aan  ugu daatay guryahooda goor saq dhexe ah.

Taliyaha oo ka hadlay hawl-gallo  ay  dhawrkii Caano maal ee u dembeeyey     dad ku soo qabqabteen  ayaa  ku andacooday in   isugu jiraan kuwo xagjir looga shakhiyey iyo kuwo ka hor yimid  ciidanka,  “Ciidanka boolisku waxay fuliyeen hawlgallo ay ku soo qabqabteen 11 qof, dadkaasi qaar waxa looga shakiyey Alshabaab, qaarna waa shakhsiyaad ciidanka ka hor yimid markii ay hawlgalka wadeen”ayuu yidhi taliyaha ciidanka booliska   Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlayey hawlgalkaasi ay ciidanku fuliyeen.

Dadkan la xidhay waxa ku jiray Cismaan Awr Liqe oo dhowaan iska casilay madaxa xafiiska xidhiidhka dadweynaha ee madaxtooyadda, waxaanu taliyuhu  ku andacooday in masuulkaasi  is hortaagay ciidanka hawlgalka fuliyey, sidaa darteed loo soo xidhay.

“Cismaan Aw liqe way jirtaa in la soo qabtay sababtuna waxay ahayd is-hor taag ciiidanka booliska ah oo uu iska hor taagay hawlgalkooda, si cadaalada ahna waa loo baadhayaa, ninka kale waa Askari boolis ah oo la qabtay waxaana lagu eedeeyey inuu war bixiyey, arrintaasna waa la baadhayaa” ayuu taliyuhu hadalkiisa raaciyey.

Ciidanka ayaa maalmihii u dambeeyey hawlgalo ay dad ku soo qabqabaneyeen ka fulyey magaladda Hargeysa iyo Burco, haseyeeshee qoysaska la baadhay ayaa si weyn uga cabanaya xilliyadda dambe ee guryaha loo daadanayo iyadoo weliba ay ciidanku afka iyo wejiga soo duubteen taas oo argagax ku noqotay shacbigii oo agabkoodii ay burburinayaan.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed