|

Cabdilaahi Abokor Oo Faahfaahiyey Muddadii Xadhigiisa Iyo Waxyaabihii Uu Halkaas Kula Kulmay

Hargeysa:Jan,13,2015(SDN/QJ)-Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo dorraad uun laga soo daayey Xabsi Toddoba  bilood ahaa oo xukuumaddu  ku ridday, ayaa markii ugu horraysay si kooban shalay uga hadlay xadhigiisa iyo waxyaabihii uu halkaas kula kulmay.

cabdilaahi abokorCabdilaahi Abokor oo ka hadlayey munaasibad soo dhaweyn ah oo ay u qabteen Xisbiga Ucid, ayaa sheegay inuu qoraallo ka sameeyey xadhigiisa, ilsa-markaana uu dhawaan soo bandidhidi doono dhibaatooyin uu kala kulmay xadhigiisa.

Waxa uu Cabdilaahi Abokor sheegay in  saacado ka hor intii aan aqalkiisa loo dhicin oo rasaasta lalal dhicin uu fadhiyo la lahaa saraakiisha ugu sarraysa Ammaanka Somaliland, isla-markaana ay ku kala tageen nabadgelyo,

“Wakhtigii aan xidhnaa waxan qorayey Buug taariikhdaas ku sabasan isagoo faahfaahsanna marbaan jecelahay inaan umadda Somaliland usoo bandhigo, runtiina waxa ay ahayd dhacdo xanuun badan. Isla habeenkaas la ixidhayey taliyaha sirdoonka qaranka, iyo taliyaha Sirdoonka Madaxtooyada waanu wada Joognay taliyaha qaybta Galbeedkana waynu wada joognay, haddii la I yidhaahdo waa lagu soo weerarayaana wax uun bay noqon lahayd, waxana ay iska ahayd dhacdo faahfaahin u baahan.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Abokor.

Waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay Xisbiga Ucid oo uu sheegay inay si weyn uga dhiidhiyeen Xadhigiisa iyo Dhibaatadii lagula kacay muddadii uu xidhnaa, waxana uu yidhi,

“Waxan halkan uga mahadnaqayaa Xisbiga iyo Madaxdiisa, xogogaalna waxan u ahaa in xisbiga kaliya ee Xadhigayga ugu hadalka badnaa inuu ahaa Xisbiga Ucid, sidaas darteed baan iyadoo macsuumado badan la ii ballan qaaday aan ku doortay inaan mahadnaqqa xisbiga Ucid ugu  horraysiiyo.”

Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Amniga ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa muddo toddoba bilood ah ku xidhnaa Xabsiga Hargeysa, waxana hore loogu xukumay saddex sano iyo badh xadhig ah, iyadoo lagu eedeeyey inuu  warbaahinta siiyey war ka dhan ah Ammaanka dalka.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed