Cabdikariin Guuleed oo Rafiiq dhow la ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhaliilay Qodobo ka Mid ah Heshiiskii Garowe
Muqdisho 04,May 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somalia Cabdikariin Xuseen Guuleed haddana ah murashax u taagan xilka madaxnimo ee maamlka gobollada dhexe ee Somalia ayaa dhaliilay heshiiskii ay ku kala saxiixdeen shalay xarunta maamul-goboleedka Puntland dowladda Somalia iyo maamullada gobollada dalka qaarkood.
Cabdikariin Guuleed ayaa wareysi uu siiyay BBC-da qaybta Afka Soomaaliga ku tilmamaay in qaar ka mid ah heshiiskaas ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, iyadoo la xusuusto inuu aad ugu dhow-yahay Guuleed yahay nin aad ugu dhow madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
“Heshiiskii lagu saxiixay magaalada Garoowe waan soo dhaweynayaa, balse waxaan u soo jeedinayaa dhaliil qodobbo ka mid ah heshiiska, kuwaasoo aan ku qornayn dastuurka dalka ayna ka mid yihiin waxaa maamul sameysan kara hal gobol iyo bar.” ayuu kaga Jawaabay Guuleed su’aal ahayd waxyaabaha uu ku dhaliilayo heshiiskii Garoowe lagu saxiixay.
Sidoo kale Cabdikariin Guuleed oo la weydiiyay su’aal ahayd maadaama uu si aad ah uu ugu dhow-yahay madaxweynaha Somalia, uuna wasiir soo noqday markii dambena uu la-taliye u ahaa madaxweynaha sida uu go’aanno uu saxiisay madaxweynaha dalka uga hor-imaan karo ayaa ku jawaabay.
“Anigu waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed, waxaan kaloo ahay ruux Gobollada Dhexe kasoo jeeda, waxay ila tahay inaan xaq u leeyahay inaan ka hadlo danaha gobollada dhexe iyo dareenka shacabka ku nool; taasina ma ahan inaan kasoo horjeedo madaxweynaha iyo inaan dowladda kasoo horjeedo, balse qofka muwaadinka ah wuxuu xaq u leeyahay inuu fikirkiisa cabiro, xaq baanan u leeyahay inaan dareenka ay dadkeygu qabaan sheego.”
Guuleed oo mar kale la weydiiyay in dhaliisha uu u jeedinayo heshiiskii uu madaxweynaha Somalia kusoo saxiixay Garoowe loo fasiran karo in isaga iyo madaxweynuhu ay ku kala fogaateen siyaasadda.” ayuu ku jawaabay.
“Waxaan anigu cabiray fikirkeyga siyaasadeed… Cidna ugu roonaan maayo… Cidnana ugu darnaan maayo – ee waxaan ka hadlayaa dareenka dadka aan anigu matalo ee aan doonayo inaan mas’uuliyadooda qaado. mana ahan macnaheeduna inaan madaxweynaha collownay ee arrimo siyaasadeed oo jira ayaan ka hadlay, sidoo kalena ma ahan inaan kasoo horjeedo masaalixda iyo deggenaashaha Puntland.”
Mar la weydiiyay su’aal ahayd wuxuu xalka u arko ayuu ku jawaabay; inuu qabo in dadka deggen gobolka Mudug loo daayo rabitaankooda, haddii ay doonayaan inay Galguduud la sameystaan maamul aan la caburin oo go’aankooda loo madax-banneeyo.
Hadalka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay la kala diray guddigii farsamada ee maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee dalka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay caqabad ku noqdeen shirka degmada Cadaado ka socda.
Muqdisho SDN/QJ