|

Cabdikariin Axmed Mooge oo si adag uga hadlay Budhcad dowladda Somaliland Xilal ka haya DAAWO

Hargaysa,25.April 2016 (SDN/QJ):- Cabdikariin Axmed Mooge oo ah Hoggaamiyaha Ururka Qabyaalad-diidka Somaliland, ayaa fashiliyey Shabakadaha dhibaatada ku haya dowladnimada Somaliland oo ay qayb ka yihiin Wasiirro iyo Masuuliyiin Sita Shandado Madhan, Calool madhan iyo Jeebab madhan oo intooda badani dalka dibeddiisa ay ka soo xil iyo xoolo doonteen iyo kuwo badan oo musuq uun ka shaqeeya.

Cabdi Kariin Axmed MoogeCabdikariin Axmed Mooge oo dabayaaqadii sannadkii hore iska casilay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland, ayaa sheegay in dhalinyarada reer Somaliland ee dalka ka tahriibaysaa ay Shaqo la’aanta ay ka yaacayaan u dheer tahay in rejo-xumo ay uga tegayaan waddanka, Qabyaalad iyo Qaraabo-kiil barriinsaday Somaliland.

Sidoo kale, Cabdikariin Axmed Mooge waxa uu iftiimiyey habka ama qaabka foosha-xun ee ay Masuuliyiinta dowladdu ugu dhaqmaan qabyaaladda iyo qaraabo-kiilka iyo weliba qaabka loo musuqo waxbarashada ay Somaliland ka hesho dalalka caalamka oo ay shaqsiyaad gaar ahi ka faa’iidaystaan.

Waxa uu Cabdikariin sidaas ku sheegay Khudbad uu ka jeediyey Sabtidii toddobaadkan Munaasibad Baroor-diiq ah oo ay Dhalinyarada reer Hargeysa u sameeyeen Dhawr Boqol oo Dhalinyaro ah oo Dooni 14-kii bishan kula degtay Badda u dhaxaysa dalalka Masar iyo Talyaaniga, kuwaasoo ka baxay 7-dii bishan Xeebaha Masar, waxaanannu Khudbaddaas idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed