Cabdicasiis Samaale Oo Faraha Ka Qaaday Arrimaha KULMIYE, Dib-na Ugu Adkaystay Kursigiisa Wasiirnimo
Hargeysa:7-Nov-2013(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Muddooyinkii Dambe Ku Hawllanaa Kicinta iyo Oogidda Xaalladda Xisbiga Kulmiye ayaa Haatan Go’aan ka Qaatay Tallaabooyinkiisa Mustaqbal.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com heshay waxa wasiirka Laf Dhuun gashay ku noqday Soo Jeedimo aanu filaynin oo kaga yimi dhanka madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo ahaa inuu kala doorto xilkiisa wasiirnimo iyo inuu walaaqo xaaladda xisbiga Kulmiye oo madaxweyne siilaanyo culayska weyn ku haysa. Wasiir Samaale oo ka Cadhooday soo jeedintaas madaxweynaha ayaa markii hore ku Hanjabay inuu is casilaad qaadan Doono, islamarkaana u ban bixi doono Sallaanka Loollanka Kulmiye oo uu u arko mid uu ku Gaadhi karo Hankiisa Madaxweynenimo.
Go’aankii ugu dambeeyey uu Haatan qaatay wasiir Samaale, ayaa ah inuu sii Ahaado wasiirka maaliyadda oo uu u arko mansab aan si dhib yar looga tagi Karin, waxana uu aaminay inaanu haatan wixii ka dambeeya laba Furimood isku wada furi Karin, maadaama uu madaxweyne Siilaanyo kaga Baxay Dagaalkii ka dhanka ahaa Guddoomiye Muuse Biixi.
Go’aankan wasiir samaale oo uu muddo ka Baaraandegayey ayaa ka dambeeyey lafo-gur iyo ka fiirsasho badan oo uu ku sameeyey awoodda uu uleeyahay inuu Guddoomiye Muuse U Babac Dhigo isagoo madaxa ku sita Xilka Wasiirnimo ee uu Qaranka u hayo, waxana uu ka noqday Go’aan hore oo ahaa inuu xilka iska casilo, islamarkaana Bannaanka ugu baxo Tartankiisa siyaasadeed sida uu madaxweynuhuba ka codsaday.
Tallaabadan uu oo ah mid aanu si caddaan ah ugu dhawaaqin ayaa muujinaysa inuu Wasiirku markii horeba ahaa nin cid kale dabada ka waddo oo aanu dhab ka ahayn Tartanka uu hore ugu dhawaaqay, waxana uu arrintan qaatay markii uu ogaaday inaanu madaxweynuhu kula soconin.
Sidoo kale waxa tallaabadan wasiirka si aad ah ugu faraxsan Madaxweyne Siilaanyo oo maalmihii ugu dambeeyey Khaati ka taagnaa arrimaha Kulmiye oo ku taagtaagmay, islamarkaan culays badan oo gaadhay heer uu shaqadii qaranka haleeli waayo ku keenay, waxase jirta calool-xumo uu wasiir samaale u qaaday madaxweyne siilaanyo, maadaama uu aaminsan yahay inuu intuu Hawl u diray markii dambena kaga baxay.
Arrimaha kale ee Dhiirrigeliyey inuu wasiir Samaale Qaato Go’aanka uu Wasiirnimadiisa ku faro Adaygayo, ayaa waxa ka mid ah In Hoggaanka Beesha Bariga Burco oo uu markii hore Cudud iyo Taageero ka filayey ay si Kedis ah Taageero aan qarsoonayn ugu muujiyeen Guddoomiye Muuse, waxana uu isku arkay Nin Cidla Taagan, islamarkaana aan Midho Geed Saaran Midho Gunti ku jira U daadin Karin.
Wasiir Samaale ayaa Haddii uu kusii adkaysto Go’aankiisa ah inuu Gebi ahaanba faraha kala Baxo arrimaha Xisbiga Kulmiye, waxa ay fursad wanaagsan u tahay Guddoomiye Muuse Biixi oo maalmahan Xaalladdu ku adkayd, waxana uu isku dubaridi doonaa Hawlaha Xisbigiisa oo waxoogaa ka kala yaacay.
S.D.N