Cabdicasiis Samaale muxuu ka yidhi xilka loo magacaabay ee wasiirka Maaliyadda Somaliland? halkan ka akhri qoraal uu soosaaray
Hargeysa 14, March 2012 (Qurbejoog.com)- Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ahaa guddoomiye kuxigeenkii golaha Wakiilada Somaliland, ayaa caddeeyay inuu iska casilay xilkaas iyo guud ahaan xubinimada golahaas, taasoo ka dambaysay markii maanta Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay wasiirka Maaliyadda.
Sida ku cad qoraal kooban oo Mr. Samaale soosaaray, kuna socodsiiyay golaha Wakiilada ee uu hore uga tirsanaa, waxa uu golaha Wakiilada oo uu tan iyo 2005 guddoomiye kuxigeenka 1aad ka ahaa uu ka rajeeyay inay aqbali doonaan iscasilaadiisa, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Anigoo ah Md. C/Casiis Maxamed Samaale waxaan halkan ku caddaynayaa in aan maanta oo Arbaca ah, taariikhduna tahay 14.03.2012 iska casilay xilkii ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Wakiilada JSL iyo xubinimadii golahaba.
Waxaan si wayn ugu mahadnaqayaa Shirguddoonka iyo dhammaan mudaneyaasha golaha Wakiilada oo aan muddo dheer wada shaqaynaynay.
Waxaan golaha ka rajaynayaa inay aqbali doonaan iscasilaadayda.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com