“Cabdi-weli wuxu ahaa Weriye iyo tifaf-tire curin iyo hal-abuurba lahaa Suulkiisii iyo saxeexiisiiba wuxu kaga tegay saxaafadda” Muj. Boobe Yuusuf Ducaale
Hargaysa 06.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md. Boobe Yuusuf Ducaale ayaa waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, eheladii iyo guud ahaan bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Cabdi-weli Faarax Jaambiir.
Sidaa waxa uu Boobe Yuusuf Ducaale ku sheegay qoraal uu caawa ka soo saarey oo uu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay Shabakada Qurbejoog.com, waxaanu u dhignaa sidan:
“Aniga oo ah Boobe Yuusuf Ducaale, waxaan halkan tacsi uga irayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Cabdi-weli Faarax Jaambiir. Waxa kale oo aan ka tacsiyadaynayaa Wargeyska Ogaal. Cabdi-weli Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Cabdi-weli wuxu ahaa Weriye iyo tifaf-tire curin iyo hal-abuurba lahaa. Suulkiisii iyo saxeexiisiiba wuxu kaga tegay saxaafadda guud ahaan, gaar ahaanna TV-ga iyo warqadda daabacan.
ILAAHAYha ka abaal-mariyo dedaal badnaa iyo naf-hurkii la yaabka lahaa ee uu sameeyay intii uu noolaa. Wuxu ahaa tifaf-tirihii aan ugu xidhiidhka badnaa oo aanu marxalado badan isla soo marray. Xataa intan uu xanuunsanayay ayuu Burco igala soo xidhiidhi jiray. Ilaahay ha u naxariisto.”
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com