|

Cabdi-weli: Nabad ku sii hoyo – Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale

“Aqoonyahan gu’giisiyo,

Garaadkiisa hurayow,

Danta waad gufaysoo,

Dadka waad gunnaysoo,

Dalka waad u gubatoo,

Sidaad tahay gudgude roob,

Wada gaadhay uunkoo,

Marxuum-Cabdiweli-e1407537373477Xilkii guudka sare iyo,

Garbahaaga saarnaa,

Si’ san baad u gudatoo,

Gees qudh ah kamaad tegin,”

Cabdi-weli Faarax Jaambiir 7/8/2014ka ayaa lagu aasay xabaalaha Naaso-hablood ka dib markii uu in muddo ah xanuunsanayay ee cisbitaalba cisbitaal kale u dhiibayay. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha innaga siiyo.

Uma aan hollan in aan wax badan ka qoro Cabdi-weli. Waxa ila adkaatay in uu sidaas iyo aammus ku galbado oo uu ku hoydo. Sidaas darteed ayay ila noqotay in aan ereyo xus, xusuus iyo gelbisba isugu jira qormadan kooban ku dareeriyo.

Cabdi-weli Faarax Jaambiir wuxuu ku dhashay magaalada Burco sannadkii 1969kii. Barbaarintiisii iyo barashadiisii halkaas ayuu ku qaatay. Hooyadii waa Deeqa Xuseen Naalleeye. Wuxuu shaqada macallinnimo ee luuqadda Ingiriisiga ka bilaabay mac-hadka luuqadaha ee Nuuraddin sannadkii 2000, wakhtigaas oo uu ka soo laabtay dalka Koonfur Afrika oo uu in muddo ah ku maqnaa. Wakhtigaas waxa kale oo uu ka-shaqo- galay Wargeyska Jamhuuriya, gaar ahaan mataankiisa luuqadda Ingiriisiga ku soo baxa ee “The Republican.”

Magac Cabdi-weli Faarax Jaambiir ayuu ka ahaa. Aniga oo aan qof ahaan ula kulmin oo aan hor joogsan ayaan ka bartay qaybihii war-baahinta ee uu ka hawl-geli jiray. Haddii aanay xusuustaydu I dagayn markii iigu horreysay waxaan ka daalacday shaashadaha TV-yada, gaar ahaan ‘Space Channelkii’ oo uu si’ aan wax loo dhigaa jirin uga hawl-geli jiray. Wiil dhallinyaro ah ayuu ahaa oo xoog iyo laxaadba u dhashay.

Wuxu lahaa karti la yaab leh. Wiil dhallinyaro ah oo hawshiisa u darbanaa dar-dar iyo car-carna u qabay. Ma-daale aan wahsiga aqoon oo aad ka yaabaysay wax-soo-saarkiisa iyo hindisaha ku jiray ee awoodda taakuleyneed ee uu markaa haystay xaddidaysay.

Hibooyin dhowr ahaa ayaa ku kulmay. Curin iyo hal-abuurba waa uu lahaa. Wuxu belaayo ku qabay oo aanay cidina ku gaadhayn tarjumadda (soomaaliyeynta) diraasadaha cilmiga ah iyo aflaamta dokumentariga ah. Soo-saare iyo tebiyaba waa uu ku shaqeeyay.

Meelaha uu sida laxaadka kale uga muuqday uguna soo baxay waxa ka mid ahaa barnaamajyadiisii TV-ga ‘Space Channelka’ oo aan laba dhacdaba tusaale uga soo qaadanayo.

Dhacdada hore waa Barnaamajyadii aan dhammaadkaba lahayn ee uu ka duubay Mujaahidiinta ee ku saabsanaa halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd.

Si’ gaar ah oo aan wax loo dhigaa jirin wuxu wax uga duubay Guda-galkii 1984kii. Sarkaal iyo Mujaahidba shaashadaha ayuu soo fadhiisiyay. Been ku hadli maayo haddii aan idhaahdo wuxu ahaa keydkii ugu badnaa ee laga duubo halgankaa hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran.

Ta dhadhanka iyo xiisaha barnaamajyadaas u sii yeelaysay waxay ahayd Cabdi-weli oo inta badan kamirada la tegi jiray goobihihii ay dagaalladu ka dhaceen. Geestaa marka aad ka joogsatana soo-saare la yaab leh oo filimeed ayuu ka ahaa, shakina kuma jiro in uu noqon karayay mid masraxeedna. Fanka iyo farshaxankuba duunkiisa hoose ayay ku duugnaayeen.

Dhacdada 2aad ee aan Cabdi-weli ku xusuustaa waxay ahayd tarjumaddii filimkii dokumentariga ahaa ee laga duubay af-duubkii dhagareed ee lagula kacay Aldo Moro oo dalka Talyaaniga ka noqday Ra’iisal-wasaare, markan la af-duubayayna madaxa u ahaa Xisbiga Aqlabiyadda ee “Christian Democrats-ka.”

Waqti ku beegnaa 9.00kii subaxnimo, Maarj 16dii, 1987kii ayaa laga af-duubayaa badhtamaha magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga. Wuxu af-duubnaa 55 maalmood oo habeen iyo maalin la garaacayay. Waxa af-duubtay ‘Brigata Rossa’ ama Guutadii Caseyd.

Dad ka xidhnaa ayay doonayeen in ay ku soo furtaan. Subaxdaa Ra’iisal Wasaare Guilio Andreoti ayaa codka kalsoonida loo qaadayay oo af-duubkaa aqlabiyad ku helay. Aldo Moro nimankii af-duubay waxay ku qasbeen in uu qoro 86 warqadood oo xanuun iyo xadantaba ku lahaa, markii dambena inta ay toogteen ayay faras-magaalaha Roma soo dhigeen isaga oo ku jiray baabuur yar oo Renault 4 ah. Cabdi-weli filimkaas iskama xulan ee duluc iyo ujeeddaba waa uu ka lahaa. Waa halkii Timacadde e’: “Macnihiyo ujeeddada ninkii, maaxiyaa garan.” Doqonna loo sheegi maayo.

Bishii Ogos, 2005ki, wuxuu Cabdi-weli ku biiray wargeyska Ogaal oo sanadkaas la furay. Wuxuu ka soo qabtay xilal kala duwan, sida: tifaf-tire, tifaf-tire guud, madaxa qaybta wararka dibedda iyo sidoo kale xilka Maareeye oo uu ahaa ilaa markii uu dhintay.

Wuxuu turjumi jiray buugaag kala duwan oo ku soo bixi jiray wargeyska Ogaal, waxaana Buugaagtii uu turjumi jiray ka mid ahaa;

Socdaalkii dheeraa ee xorriyadda oo uu qoray Nelson Mandela. Buuggu sida uu u dhan yahayba waa uu tarjumay, waxaanu ka mid yahay dhaxalka uu ka tegay ee daabacaadda sugaya.

Lid ku ah dhammaan cadowga oo uu qoray mas’uul ka tirsanaa Aqalka cad ee Maraykanka, in badanna kaga hadlay siyaasadda Arrimaha Dibedda ee dalkaas, gaar ahaan ta ku wajahan dalalka muslimka ah iyo ugaadhsiga ururrada Diiniga ah ee ka dhisan Bariga Dhexe, sida Al-Qaacida.

Ciraaq: Shalay iyo Maanta oo ka hadlayay marxaladihii siyaasadeed, dhaqaale iyo xukun ee uu soo maray dalka Ciraaq, kaas oo uu si qoto dheer uga hadlayay afkaarta iyo dalalka ku hirdamayay dhimista awoodda dalka Ciraaq. Waxa kale oo uu buuggaasi in badan diiradda ku saarayay taariikh ka soo bilaabanta ilaa aasaaskii nidaamka dawladnimo ee Ciraaq.

Buugaagta uu turjumay Cabdi-weli Faarax Jaambiir waa ay badnaayeen, hase ahaatee, waxa xusid mudan mid uu isagu qoray, dhammaystiray oo tifa-tir iyo daabacaad sugaya buuggiisa la yidhaahdo: Hayaankii Hilowga Arwaaxda. Buuggaasi wuxuu marxuumku kaga hadlayaa waayo-aragnimo iyo dhacdo nololeed oo ku gedaannayd isaga oo muddo toban sanno ah oo uu socdaallo iyo safarro duruufo keeneen uu ku marayay dalalka ka hooseeya saxaraha ee Afrika, gaar ahaan Koonfurta iyo Koonfur-bari ee Afrika.

Cabdi-weli in kasta oo uu laba goor kala guursaday Koos Muxumed iyo Qadri Muxumed, haddana wax ubad ah kama tegin. Magaca Muxumedka ayuun baa halkan ku kulmay ee habluhu walaalo ma aha.

Sidaas ayaynu ku sagootiyaynaa saaxiibkeen, saxafigii, qoraagii weynaa ee Cabdi-weli Faarax Jaambiir. Boobe ahaan intaa wax baa ii dheeraa oo Ogaalna wargeyskaygii ayay ahayd, Cabdi-welina tifaf-tirihii aan ugu xidhiidhka badnaa ayuu ahaa. Sebtember 2012kii intii ka horreysay qormooyinkaygu waxay ku soo bixi jireen Ogaal oo aanu heshiis odeynimo wadaagnay. Sidaas ayaan ku sagootiyayaa saaxiib igu dheeraa oo in badan ummaddan u soo jeeday, wax badanna isku deyay in uu dhinacyo badan wax ka hogo-tusaaleeyo oo wixii mudan in loo gudbiyaba ka adeegay. Ilaahay ha ka abaal-mariyo, isgana aynu abaalkiisii celinno oo daabacno buugaagta uu ka tegay ee ku duugan keydka wargeyska Ogaal.

Buugaagta ugu mudan ee keydkaa uu geliyay Cabdi-weli waxa ka mid ah taariikh-nololeedkii iyo curintii suugaaneed ee Ismaaciil Sheekh Axmed (Ismaaciil-cagaf). Wa billaahi towfiiq.

Dhammaad.

Comments are closed