Cabdi Wali Maxamed Gaas oo Soo Bandhigay Xal uu U hayo Arrimaha Muranka Dhaliyey ee Garoonka Kismaayo
Garowe:7-Aug-2013 (SDN)Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arimaha ku saabsan dekada iyo garoonka Magaalada Kismaayo oo dhawaan lagu soo hadal qaaday shirkii ka dhacay Kampala ee ay yeesheen Madaxweynayaasha wadamada Soomaaliya ciidanka ay ka joogaan.
Qodob kamid ah go’aanadii kasoo baxay shirka ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo maamulka Dekada iyo Garoonka Magaalada Kismaayo,Cabdi Wali Gaas oo ka hadlay arintaasi ayaana sheegay inay tahay in Baarlamaanka la horgeeyo arimaha dekada iyo Garoonka Kismaayo khuseeya.
Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta warbaahinta la hadlay, ayaa isaguna usheegay in Baarlamanka haddii ay yihiin aanay shaqo ku lahayn oo aanay khuseyn arintaasi, islamarkaana tahay mid u taallla golaha fulinta Dowladda.
Kismaayo oo ay joogaan ciidanka Kenya iyo kuwa Axmed Madoobe ayaa maamulka Dekada Magaaladaasi,iminka waxaa gacanta ku haya Maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo ka taliya, waxana ay dawladda Federalku doonaysaa in gacanta loo geliyo maamulkeeda.
Somalidiasporanews.com