Cabdi-wali Gaas Lagu wado inuu Jimcaha ka soo Dego Gaalkacyo iyo Mucaaradka Puntland oo Taageeradiisa ka midaysan
Gaalkacyo:1-august-2013 (SDN) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo la sheegay inuu quud-darraynayo sidii uu madaxweyne uga noqon lahaa Puntland,ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Jimcaha ah ee labada bisha August uu ka soo dego magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Cabdi Weli Gaas oo la filayo inuu isu sharxo xilka madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxaa horay loogu qorsheeyay kulano ay isaga iyo xubno kale oo mucaaradka Puntland ah ay ku yeesheen dalka Imaaraadka Carabta oo u oday u ahaa Gen. Cadde Muuse.
Mucaaradka Puntaland, ayaa waxa ay badankoodu isku raacsanyihiin in Gaas uu noqdo ninka laga hor geynayo madax-weynaha Puntland Cabdi-Raxmaan Faroole oo kula tartamaya xilkaas, iyada oo loo badaniyo in Gaas uu ka guuleysan doono Faroole.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii xubnaha mucaaradka ay ku kulmeen Imaaraadka Carabta, waxaana kullankaas goob joog ka ahaa xubnaha ugu magaca dheer mucaaradka Puntland oo ay ka mid yihiin Gen. Cadde Muuse, Gen. Cabdullaahi Sacid Samatar, iyo Max’ed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo Cabdi-Wali Gaas.
Kullankaas ayaa waxaa kasoo baxay go’aan ahaa in kulan ballaadhan laysugu yimaado Puntland, hase yeeshee ma cadda in kulankaasi hadda qabsoomi doono iyo in kale.
Gaas ayaa lagu wadaa inuu magaalada Gaalkacyo kulanno kula qaato odayaasha dhaqanka ee gobolkaas iyo xubnaha dowladda Puntland ka soo hor jeedo ee halkaas ku sugan, waxaana la filayaa inuu u gudbo gobollada Karkaar iyo Bari isagoo isku dayay inuu taageero ka helo xubnaha kale ee mucaaradka Puntland ka tirsan laakiin aan ku jirin xulufadooda.
Cabdiwali Gaas oo ahaa Ra’iisal wasaarihii Hore ee Somaliya, islamarkaana u tarmatay Madaxweyne-nimada Somaliya, ayaa ah siyaasi Ruug-caddaa ah oo khibrad badan ka helay Xukuumaddii ku-meel-gaadhka ahayd ee uu xilalka kala duwan ka soo qabtay, waxana lagu tilmaamaa siyaasi Degen oo ka fiirsasho badan.
Somailidiasporanews.com
Gaalkacyo/Puntland.