Cabdi Noel oo Aas Qaran Jabuuti loogu sameeyay(DAAWO SAWIRADA)-
Jabuuti April 22,2012(SDN)-Waxa maanta Jamhuuriyada Jabuuti loogu sameeyay Aas Qaran Madixii hay’ada xuquuql insaanka Jabuuti jean Paul abdi Noel. Cabdi Noel ayaa todobaadkii hore ku geeriyooday dalka Faransiiska.
Aaska maanta ee Cabdi Noel ayaa waxa ka qeybgalay safiirada afar dal oo reer Galbeeda,xildhibaano,culumaa;udiin iyo shaab kumanaana.
Cabdi Noel ayaa ilaa mudadii gobanimo doonka Jabuuti ku soo jiray siyaasada Jabuuti,intii danbase waxa uu caan ku ahaa u dagaalanka xuquuqda aadanaha ee dadka reer Jabuuti.
Xukuumada Jabuuti ayaa horaantii todobaadkan soo jeedisay in marxuumka laguaaso dalka Faransiiska,taas oo dhawaaq dheer lagu diiday.