|

Cabbitaanka Shaaha Maalin Kasta Oo Dadka Waaweyn Ka Ilaaliya Asaasaqa !

China 18. April 2017 (SDN/QJ):- Shaahu waxa uu Dadka waaweyn 50% ka ilaaliyaa inay la soo daristo dhibaato dhinaca Fahanka ah iyo sidoo kale xasuusta, hal koob oo shaah ah maalin kasta haddii uu qofku weyni cabo waxa uu ka fogaynayaa waxaynu u naqaano Kharafka ama Asaasaqa.

Arrintan ayaa lagu cadeeyay Deraasad cusub oo uu soo bandhigay ninka magaciisa la yidhaahdo Feng Li oo wax ka dhiga Kulliyada Cilmi Nafsiga ee Jaamacada Yong Lu Lan ee Dalkaasi Singapore, kadib baadhitaan ay ku sameeyeen ku dhawaad kun qof oo ku nool Dalkaasi China, taasi oo ay ku ogaadeen in Dadka Da’doodu u dhexayso 55 sano iyo wixii ka badan ee sida tooska ah maalin walba shaaha u cabaa uu ku yar yahay Asaasaqu.

Comments are closed