|

Cabashooyinkii Axmed Siilaanyo ee xiligii uu Jebhadka iyo Mucaaridkaba ahaa waxa ay ku saleysnaayeen Hinaase uun

London Dec 08,2013(SDN)-Madaxweynaha haatan ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waxa uu soo maray xiliyo aad u dheeraa oo uu Jabhad iyo Mucaaridba ku ahaa madaxdii kala duwaneyd ee soo qabatay xilalka madxweyne ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa beryahaa dad badani ugu soo joogsadeen ka hadalka,dhaliisha iyo muujinta isbedel uu sheegi jiray in ay tahay in lagu sameeyo nidaamyadaa kala duwanaa ee Somaliland iyo Soomaaliyaba soo maray.

Inkasta oo kolba inteey doonto ha le’ekaatee xilalkii kala duwanaa ee uu soo qabtay intaanu madaxweynaha noqonin ay gebi ka sinaayeen hogaan liita iyo ruux jecleysi hadana waxa mar walba ka weynaa neceybkii iyo la dagaalankii nidaamyaa uu mucaaridka ku ahaa.

Hadaba sidii madaxweyne Axmed Siilaanyo loogu doortay madaxweynaha Somaliland waxa goaan walba oo uu qaaday ka muuqday jilicsanaan hogaamin,ruux iyo ashqaas jecleysi,qabyaalad iyo xaalad abuur la isugu dhufanayo umadda talada dalka ku aamintay.

In yar doorashadii horteed hadaad milicsato hab-dhaqankii Axmed Siilaanyo waxa kuu soo baxaya nidaamka uu talada dalka ku kasbaday.

Waxa tiyoo xisbiyo qaran dalka ka jiraan oo xukuumadi ay jirto uu Axmed Siilaanyo abaabulay shir beeleedkii Garadag oo ay ka qeyb galeen dhamaan beesha Siilaanyo mucaarid iyo muxaafidba.

Berigaa waxa uu Siilaanyo saxaafada ka nacaladi jiray tilaabooyin ay xukuumadii Daahir Riyaale ku dooneysay in ay shirka uga qeybgalaan xubno taageersan UDUB.

Haatana intii uu xilka hayay Beel walba oo isku dayday in ay qabsato shir waxa uu madaxweyne Axmed Siilaanyo isku deyay carqaladeynta shirarkaas inkasta oo uu hore u sheegay in bulshada aanu iska hortaagi doonin Shirarka.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Maamuladii kala duwanaa ee uu ka hor yimi oo qaarkood uu la dagaalamay waxa uu ku heystay eex iyo ruux jecleysi.

Intii uu xilka qabtayna waxa soo baxday in dalka ay ka arimiyaan guddi aan muuqan oo beeleysan oo dalka xaalufkiisa u xilsaarani in ay madaxtooyada fariisatay.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa maamuladii uu ka hor yimi ku dhaleeceyn jiray in ay ahaayeen qaar xoriyatul qowlka la dagaalama.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ku hadaaqi jiray xiligii uu mucaaridka ahaa in warbaahinta dawladu ay axsaabtu u sinaan doonto kolka uu talada qabto.

Haatana waxa sinaan iskaa daaye warbaahinta qaranka laga soo caayaa Dumarka ka tirsan mucaaridka dalka.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu haatan ku tuntay xoriyatul Qowlka waana xukuumada qura ee Somaliland soo martay ee Suxuufiyiin ka hawlgala warbaahinta qaranka xabsiga u taxaabtay.

Axmed Siilaanyo jebinta qawlkiisii hore haatan halkan kuma soo koobi kareyno,balse waxa muuqata in madaxdii ay hore isu qabteen aaney isku qaban mabda iyo toosin ee ay xaaladu aheyd uun anigu aan gabood falada fuliyo ee aaney cid kale loo ogolaan.

SDN-London
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed