Cabasho laga Muujiyay Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee Hargaysa Stadium,iyo Dhaleecayn loo soo Jeediyay Wasaarada Ciyaaraha iyo Xulka Gobolka Hawd
Hargaysa 07.June (SDN) Waxaa Durba Soo baxday Cabasho ay Xulalka ka qayb qaadanaya Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee Ka Socda Garoonka Weyn ee Hargaysa Stadium,Kuwaas oo Dhibaato kala Kulma Marka ay Wada Ciyaarayaan Xulka Gobolka Hawd oo ah ka ay Taageeraan Bulshada ku nool Degmada Axmed Dhagax ee Garoonku ku yaalo.
Xulka Gobolka Daad Madheedh oo ay Weheliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo ka degmada Oodweyne ayaa Si Weyn uga biyo diiday Goolkii ay kula barbareeyeen Xulka Gobolka Hawd Ciyaartii ay wada yeesheen Khamiistii,iyagoo Canbaarayn Xoogana u soo jeediyay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xulka Gobolka Hawd .
Xulka Daad Madheedh waxa ay sheegeen in dhacdadii foosha Xumayd ee ay kala kulmeen Garoonka hargaysa Studium inay ahayd Mid baal marsan Qawaaniinta Ciyaaraha isla markaana aan Munaasib ku ahayn anshaxa Ciyaaraha iyagoo Xusay in Calan wadaha Ciyaarta iyo Siidhi wadihii hagayayba ay qabteen kubad Si toos ah u socota isla markaana aanay Jirin wax khalad ah oo ka dhacay diilinta 18aad .
Waxay Xulka Daad Madheedh iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Oodweyne ay Tilmaameen inay u arkaan falkii loogu Xukumay Xulka Hawd Laad ku laad Toos ah Mid ku yimid Shiidkii lagu beegsanayay Xulka Daad Madheedh oo ay Xuseen inay Gool qurux badan ka dhaliyeen xulkii ay la ciyaarayeen oo ku guul daraystay inay la yimaadaan wax gool ah.
Waxay Xulka Daad Madheedh iyo Xildhibaanaduba ka dalbadeen Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha in hadii uu Sidan Tartanku ku Sii Socdo lagala Kulmayo Guul daro,iyagoo intaas ku daray in loo baahan yahay in Si dhab ah oo cadaaladi ku jirto loo baadho siday wax u dhaceen.
Geesta kale Magaalada Hargaysa ayaa dadweynuhu waxay si weyn u hadal hayaan Goolkii barbar dhaca ahaa ee ay ku dhamaatay Ciyaartii u dhaxaysay Gobolada Daad Madheedh iyo Hawd oo ay Sheegeen inaanu wax khalad ahi oo Rikoodhe Sababa inaanu ka iman Xulka Daad Madheedh hasa yeeshe waxaa loo qaadan karaa ayay ku doodayaan in nabadgalyo awgeed loogu sameeyay Xulka Gobolka Hawd in loo dhigo kubad ku laad toos ah,Taasina ay Nusqaan ku tahay qawaaniinta Ciyaaraha waxaa kale oo dadweynuhu ka Codsanayaan Xukuumada inay amniga Garoonka Sugto lana Keeno Ciidamada RRU-da ee La tacaalida Rabshadaha.
Si kastaba ha ahaatee waxaa isha lagu hayn doonaa sida ay maalinta beri u dhacdo Ciyaarta dhex mari doonta Gobolada Hawd iyo Badhan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com