Cabasho ka dhan ah Wasiirka Macdanta Somaliland oo Loo Gudbiyey Golaha Wakiiladda Iyo Wakiiladda oo Sheegay inay Dacwad ka Gudbin doonaan Wasiirka Macdanta DAAWO
Hargaysa 27. April 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka Mid ah Shirkadaha Adeega Korontada Somaliland ayaa Hor tagay Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda oo ay u Gudbiyeen Cabasho ka dhan ah Mashruuc uu dabada ka riixayo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland kuna rabo in Hal Shirkad qaab Kooto ah loogu Xidho adeeg bixinta Korontada Magaalooyinka Somaliland isagoo u cuskanaya Xeer la rabo in lagu dhaqo Shirkadaha Korontada Kaas oo Weli aanay ansixin Mudanayaasha Labada Gole ee Baarlamanka Somaliland.