Caawa iyo Buuhoodle: Xifaaltankii Xagla-toosiye + Galab Carrowgii Gallayd.
Buuhoodle,19Aug,2015(QJ/SDN)-Iyadoo habeenkii xalay ahaa wararka qaar ay sheegayeen in magaalada Buuhoodle uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ilaalada wasiir xaglo-toosiye iyo ciidamo deegaanka ah ayaa mar aanu la xidhiidhnay deegaanadaasi dad jooga waxay noo xaqiijiyeen in habahyaraatee wax iska hor imaad ah aanu halkaasi ka dhicin oo magaaladu tahay mid degan oo gacanta ugu jirta ciidamo Somaliland taabacsan oo isugu jira illaalada wasiirka iyo kuwo horay halkaasi usii joogay.
Geesta kale wararka aanu ka helayno deegaanka buuhoodle ayaa sheegaya in gabi ahaanba magaalada buuhoodle uu ka baxay Cali Khaliif Gallay iyo kooxdiisii Khaatumo, iyadoo ay u guureen deegaanka lagu magacaabo Balli-Cad oo koonfur kaga beegan Buuhoodleh.
Ka bixintaanka buuhoodle ee Cali Khaliif Gallayd ayaa lagu micneeyay laba arrimood, midi waa ta koowaade Hanjabaad uga timid wasiir xaglo-toosiye oo ku hanjabay in uu si degdeg magaalada uga baxo, iyo in Cali Khaliif Gallay deegaanka Balli-cad uu rabo in uu ka sammeysto xarun uu Somaliland kaga soo duulo. Balse illaa hadda wararka hordhaca ah ee aanu helayno ayaa sheegaya in Kooxda KHaatumo ee uu hogaaminayo Gallayd ay halkaasi dhawaan shir ka furan doonto.
Si kastaba ha ahaatee Hogaamiye Gallayd ayaa u muuqda mid ka niyad jabsan kacdoonkii jabhaddaynta ahaa ee uu horray ugu dhawaaqay, maadaama magaaladii saldhiga u ahayd lagaga awood batay oo uu kaga awood batay wasiir ka tisran Xukuumadda Somaliland.
QJ/SDN:Buuhoodle.