|

Caasimadii Somaliland oo Qarka u Saaran inay Dooxyo ka Dilaacaan iyo Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa Oo Jiho La’aani Ku Habsatay Sawiro

Hargeysa, 16 May, 2016-(SDN/QJ) :–Roobabkii ugu dambeeyay ee Ka da’ay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa gabi ahaanba burburiyay jidadka halbawlaha ee Badhtamaha Suuqyada dhex mara,waxa sidoo kale xidhma wakhtiga Roobku uu da’o, jidadka oo ay biyo Xooglihi ka soo rogmadaan,waxaanay Magaaladda Hargeysi Qarka u saaran Tahay inay Dooxyo ka dhex dilaacaan.

 

Daadad Xoogleh oo ay soo rogeen Labadii roob ee ugu dambeeyay ee Ku da’ay Magaalada Hargeysa ayaa dhaawacyo culus ugaysta Jidadka halbawlaha ee aadka loo isticmaalo ee dhex mara Caasimada,waxa ay biyahaasi ka dilaaciyeen Godod waa weyn oo aad moodo booramo iyo Jeex jeexiyo u sansaan eg inay aakhirka Dooxyo noqdaan,kuwaasi oo si isku xig xigta uga dhex dilaacay qaar ka mid ah Jidadka waa weyn ee aad loo isticmaalo,waxa kale oo ay Daadadkaasi ku soo rogeen laamayada Dhagaxaan aad u waa weyn kuwaasi oo xanibay isku socodkii caadiga ahaa ee gaadiidka iyo dadkaba. Waxa sidoo kale laamaya qaar looga baqay inay gaadiidka qaadaan kadib markii ay soo mareen daadad xoog badani. Tusaale ahaan roobkii ugu dambeeyay daadkii uu soo rogay waxa uu saamayn badan ku yeeshay Jidadka Magaalada Hargeysa.

 

Arimaha ugu layaabka badani ayaa ah,Marka uu roob ku da’o Magaaladda Hargeysa,waxa gabi ahaanba istaaga isku socodka dadka iyo Gaadiidka,Daadad Culus ayaa ka soo rogmada Laamayada,waxaana dhacda in Dadka iyo Gaadiidkuba mudo saacado ah socodka joojiyaan,islamarkaana ay sugaan inta biyuhu ka dhamaanayaan ee ay Dooxa weyn ku dhacaan. Golihii Deegaanka Hargeysa ee loo doortay inay Jidadka Magaalada dhex mara ka shaqeeyaan islamarkaana la socdaana ayaan haba yaraatee lahayn meel ay ku dambeeyeen. Sidoo kale Wasaaraddii Arimaha Gudaha ee Hawlaha Golaha Deegaanka Kala shaqayn lahayd ayaa iyaduna ka seexatay oo hawlo kale ku mashquulsan.

Waa Golihii ugu liitay ee Soomaray Caasimadda Hargeysa waxaanay inta badan lagu sifeeyaan inaanay ahayn dad ku tababaran Shaqada dawlaha Hoose ay umadda uqabtaan.

Maayarka iyo ku Xigeenkiisa Golaha Deegaanka Hargeysa ayaan Inta badan xafiisyadooda ka soo xaadirin,oo aan dabadoodaba lama gaadhin.

13227147_10154193319214595_488089926881924745_n 13178546_704223223013838_6207457110982536506_n 13177788_704223249680502_1247721249655857307_n 13164471_10154193319409595_3366218179158532133_n

Comments are closed