Caasimadda Somalia ee Muqdisho: 12 Jir Ay Dishay Baaskoolad Aabbihii Leeyahay Oo Uu Ku Ciyaarayey
Muqdisho 21. August 2017 (SDN/QJ):- Wiil da’diisa lagu sheegay 12-jir, ayaa Habeen hore isku dilay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, kadib markii uu isku dhuftay Bastoolad la sheegay in uu lahaa Aabihii.
Wiilka is dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cadnaan Cabdi Cali, waxaana Aabihii uu kamid yahay Saraakiisha ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa Militariga.
Dhacdadan ayaa waxaa ay ka dhacay xaafadda Buun-heere ee degmada Waaberi, sida dadka deegaanka ay sheegeen.
“Wiilka yar ee is dilay, ayaa wuxuu isku dhuftay Bistooladda, xilli uu ku ciyaaraayay”, sidaasi waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah dadka deegaanka Buun-dheere ee Degmada Waaberi.
Aabaha dhalay Wiilka yar ee is dilay, ayaa guriga ka maqnaa, xilliga wiilka uu isku dhufanayay xabadda ama ay ku dhacaysay, ayay hadalkooda sii raaciyeen dadka deegaanku
Halista hubka lagaga tago guryaha, ayaa khatar weyn waxa ay ku tahay carruurta, balse dhacdooyinka noocaa oo kale ah ayaa dhif iyo nadir ku ah gudaha magaalada Muqdisho.