Caasimada Somalia ee Muqdisho oo Mudo Sadex Caano Maal ah Bandoo Lagu soo Rogay
Muqdisho 06. February 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha gobola Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta gobolka ayaa shaaca ka qaaday in Bandow labo maalin ah lagu soo rogayo dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay Gudooniyaha in Bandowgan uu bilaabanayo Galabnimada Maanta oo Isniin ah uuna soconayo ilaa laga dooranayo Madaxweynaha Soomaaliya oo doorashadiisa la filayo in ay dhacdo 8-da bishan oo ku beegan maalinta arbacada.
Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho in ay dulqaataan inta uu bandowgu socdo, waxa uuna tilmaamay in la doonayo in la xaqiijiyo amaanka Caasimada inta Doorashada ay socoto.
Bandowga lagu soo rogay magaalada Muqdisho ayaa saameyn badan ku yeelan doona Shacabka magaalada Muqdisho, shacabka ayaana horey dhib ugu qabay wadooyin badan oo magaalada oo dhagxaan iyo caro horey loogu xiray.