|

C.raxmaan Cirro oo Jawaab Kulul Siiyey Muuse Biixi, Markii Kowaadna ka Hadlay Khilaafka Xisbiga UCID, Wada hadalka Isbahaysiga Kulmiye & Qodobo Kale oo Xasaasi ah DAAWO

“Haddii Ballamo laga baxo ay tahay Muuse Biixi illaa Halgankii illaa intii uu xilalka ka soo hayey Somaliland waxa uu ka baxay Boqollaal Ballamood…KULMIYE iyo Xukuumadda Farogelinta haka daayaan Xisbiga UCID…Madaxweynuhu Saami-qaybsiga go’aan kamuu soo saarin ee waxa uu soo saaray go’aan dib loogu dhigayo doorashada Golaha Wakiillada… Isbahaysiga KULMIYE Waa”

Hargaysa 04, October 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si adag uga jawaabay eedaymo uu dhawaan u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, isla markaana waxa uu markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, waxaanu Xukuumadda iyo KULMIYE u soo jeediyey inay farogelinta ka daayaan UCID iyo inay khilaafkiisa sii huriyaan.

Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Qaranka oo Heshiiskii SaxeexayGuddoomiye Cirro, waxa kale oo uu ka warramay Kulan dhex-maray Garabka Isbahaysiga dimuquraadiyad-doonka Xisbiga KULMIYE, oo dhawrkii bilood ee u dambeeyey-ba wadahadallo labada dhinacba Guddiyo u magacaabeen u saareen oo hawshoodu weli socoto iyo waxay kulankaas kaga wadahadleen.
Waxaa uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro oo waraysi siiyey Horn Cable TV, sheegay inaanay waxba ka jirin eedayn uu u jeediyey Muuse biixi oo la xidhiidha inay Cirro iyo Xisbigiisu ka baxaan Ballamaha iyo go’aannada ay Xisbiyada siyaasadda Somaliland wada gaadhaan.
Hase-yeeshee, Cirro waxa uu ku dooday inaanay jirin ballan ay isaga iyo Xisbigiisu ka baxeen, balse Muuse Biixi caan ku yahay ballamaha laga baxo oo haddii la baadho illaa wakhtigii Jabhaddii SNM iyo inta ka dambaysay oo uu xilal Xisbi iyo kuwo Xukuumadeed-ba ka soo qabtay Somalilandla soo helayo Boqollaal Ballamood oo Muuse Biixi Cabdi ka baxay.
Cirro, waxa uu ka hadlay go’aankii ay kalsoonida Xisbiyadu ku siiyeen Madaxweyne Siilaanyo ee go’aan-ka-gaadhista arrinta Saami-qaybsiga Kuraasida Xildhibaannada Golaha Wakiillada gobolladu ka helayaan, taasoo uu ku dooday inaanu Madaxweynuhu wax go’aan ah ka soo saarin, balse uu soo saaray go’aan ka duwan oo dib loogu dhigayo doorashada Golaha Wakiillada oo ay ahayd in mar lala qabto ta Madaxtooyada 28 March 2017-ka.
Hase-ahaatee, hadda go’aankaas Madaxweynaha ay Maxkamadda Sare go’aamisay in lagu kala reebo oo dib loo dhigo doorashada Wakiillada, taasoo ay Golaha Wakiilladuna ansixiyeen, halka ay Maxkamaddu go’aamisay sida Madaxweynuhuba qoraalkiisa ku sheegay in 28 March 2017 la qabto doorashada Madaxtooyada.
Haddaba, Waraysigaas Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro siiyey Horn Cable Tv oo uu dhinacyo kala duwan kaga hadlay, arrimo dhawr ahna jawaabo kaga bixiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed